|

Maamulka magaalada Kismaayo oo ka jawaabay war ka soo yeeray wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha ee Dowladda Somalia
Ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo C/qani Maxamed Yuusuf oo shir jaraaid ku qabtay magaaladaasi ayaa ayaa beeniyey war ka soo yeeray maalintii shalay wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha ee xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ahaa in ay bilaaabatay xayiraadii DF ku soo rogtay dekedaha ay maamulaan xoogaga mucaaradka, dibna loo celiyey markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyed oo magaalada Kismaayo ku soo jeeday.
“Dekeda Kismaayo si caadi ah ayey u shaqeysaa mana saameyn xayiraada ay sheegayaan iney ku soo rogeen kuwa dowladda isku magacaabay, mana jiro markab ku soo jeeday oo laga celiyey, maanta ayuuna markabkii ugu dambeeyey ku soo xirtay, waxaana horey ugu xirnaa maraakiib iyo doonyo badan” ayuu intaa ku daray C/qani Maxamed Yuusuf oo ah ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo.
Ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo C/qani Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey inaanu jirin markab ku soo jeeday magaalada Kismaayo oo dib loo celiyey, isagoo wararka arintaasi ku saabsanaa ku tilmaamay dacaayad ay fidinayaan kuwo uu ugu yeeray gaalo raac oo doonaya iney shacabka cuno qabateeyaan.
Xog-waran. com
|