Ergayga QM ee Somalia oo sheegay in kooxaha dagaalka ka wada Somalia ay qoysaskooda ku nool yihiin dalal nabad ah

 

Ahmed Ould Cabdalla oo ah Wakiilka QM ee Somalia ayaa sheegay in kooxaha ka horjeeda ee dowlada Soomaaliya ay qoysaskooda geeyeen magaalooyin nabdoon oo ku yaala wadamada caalamka waxa kaliya ee ay dagaalmayaana ay tahay xukun.

Isagoo hadalkisa sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in rabitaanka xoogaga ka horjeeda dowlada Somallia uu yahay in ay dagaalka sii wadaan hadii ay awood rabaan iyo hadii ay sabab kale tahay intaba mana doonayaan ayuu yiri nabad iyo wadahal, isagoo xusay in taasi ay tahay waxa dalka burburiyey oo aysan aheyn qatar ka imaaneysa xukuumada hada jirta ama dowlada Itoobiya.

“Waxaan idin sheegayaa dadka wax dilaya iyo kuwa waxa barakicinaya intuba waxaa ay joogaan Somalia ama magaalada Nairobi, Soomaaliduna waa in ay joojiyaan dilka Soomaalida kale” ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Somalia.

Waxaa uu sheegay Ahmed Ould Cabdalla isagoo ka hadlayey magaalada New york ee dalka Maraykanka in inkastoo xukuumada Somalia ay tahay mid aan awood badan laheyn marka la eego gudaha dalka hase ahaatee ay heysato aqoonsi buuxa oo caalami ah.

 

   

 Xog-waran. com

xog-waran@hotmail.com