Madaxweynaha Uganda oo soo dhoweeyay taageerada militari ee xukumada Obama ugu deeqay dawladda Somalia

 

Madaxweynaha wadanka Uganda Yueri Moseveni oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxa uu si diiran u soo dhoweeyay taageerada militari ee ka kooban hubka iyo saanadda oo ay xukuumadda Washington ugu deeqday dawladda federalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dalalka kale ee caalamka inay ka shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa xaaladda dalka Soomaaliya.

Yueri Moseveni wuxuu sheegay in arrimaha la xiriira taageero militari oo loo fidiyo dawladda federalka Soomaaliya uu kala hadlay saraakiil sar-sare oo Afrikaan ah kuwaasoo sheegay inay iyagana sameeyeen ballan qaad ku aaddan taageero dhaqaale, mid militari iyo loojistiko, wuxuuna intaasi ku daray in dawladdiisa ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay u fidineyso dawladda federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yueri Moseveni wuxuu daboolka ka qaaday in dal kasta oo xubin ka ah Qaramada Midoobay iyo urur goboleedyada kale ay u furan tahay inuu intii karaankiisa ah ka qaato taageero loo fidiyo dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay tahay dawlad sharci ah balse ay aan awood badan lahayn oo u baahsan kaalmo dhinacyo fara badan leh.

 

30-Juun-2009

Ku noqo bogga hore