Khubaro iyo Siyaasiyiin Carbeed oo ka digay faragelin militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya

 

Siyaasiyiin u dhashay dalka Masar iyo khuburo kale oo Carbeed ayaa waxay ka digeen khatarta ka dhalan karta faragelin militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay madaxda dawladda federalka Soomaaliya ay waddamada deriska iyo kuwa caalamka ka dalbadeen inay faragelin dhinaca militari ah ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Wargeyska lagu magacaabo Nisful Yowm oo ka soo baxa dalka Masar oo soo xiganayay siyaasiyiintaasi iyo khurubada dalalka Carabta ayaa sheegay in ay waydiisteen dawladda Masar iyo Jaamacadda Carabta inay qaataan go’aan wax ku ool ah oo lagu xallinayo mushkiladda dalka Soomaaliya iyadoo loo sii marayo dhinaca wada xaajoodka iyo dib-u-heshiisiinta si loo baajiyo faragelin lagu sameeyo Soomaaliya.

Dr. Maxamed Zindani oo ah ku xigeenka Madaxa Daraasaadka dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya aanay si toos ah u waydiisan Jaamacadda Carabta taasi oo muujineysa in Jaamacadda Carabta aanay u fududeyn inay faragelin ku sameyso arrimaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxa xarun kale oo qaabilsan Daraasaadka Afrika Dr. Raafic Sayid Axmed ayaa sheegay in dalabka dawladda Soomaaliya ee ciidamo shisheeye ay muujineyso in dalalka Carabta ay gabeen kaalintoodii kaga aadanayd dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in mushkiladda Soomaaliya aas-aaskeeda ay ka dhalatay faqriga iyo horumar la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya taasoo dhalinyaro fara badan ku qasabtay inay qoryo qaataan oo ay dagaallamaan.

 

30-Juun-2009

Ku noqo bogga hore