|
C/qaadir Xamsa Abuu Qataatow oo ka tirsanaa xoogga Muqaawamada oo caawa lagu diley Muqdisho.Allaha U Naxriisto C/qaadir Xuseen Xamsa (Abuu Qataatoow) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga muqaawamada ee la dagaashey ciidamadii Itoobiyaanka islamarkaana dhawaan ku biirey Xisbul Islaamka ka dib markii uu ka soo goostey Dowlada KMG Soomaaliya ayaa kooxo hubaysan waxey Caawa ku dileen Agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.
C/qaadir Xuseen Xamsa (Abuu Qataatow) ayaa kamid ahaa raggii hogaamin jirey dagaaladii looga soo horjeedey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya gaar ahaan Maxaakiimta wuxuuna kamid ahaa xubnaha sare ee MMI.
C/qaadir Xuseen (Abuu Qataatow) ayaa kamid ahaa raggii la socdey Sheekh C/qaadir Cali Cumar ee taageerey dowlada balse wuxuu dowlada ka soo goostey maalmo ka hor kadib markii uu qarxey dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda wuxuuna ku biirey ururka Xisbul Islaam.Dilka C/qaadir Xamsa ayaa waxaa caawa xaqiijiyay saraakiil sar sare oo ka mid ah Ururka Xisbul Islaam .
Seddaxdii bilood ee ugu danbeysey ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu diley saraakiil sarsare oo ka tirsanaa jirey Midowgii Maxaakiimta kuwasoo ka qaybqaatey dagaaladii looga soo horjeedey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, ragga la diley ayaa waxaa kamid ah Shariif Maxamuud ( Kariye), Maxamuud Jimcaale Cagaweyne kadib markii ay taageereen dowlada kmg, waxaana dilkooda lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen ururka Al Shabaab.
Xafiiska xog-waran.Muqdisho29-May-2007Ku noqo bogga hore |