Waaxda Sirdoonka Sweden oo ka walaacsan kororka dhalinyarada Soomaaliyeed ee haysta Passaporrada Swedhish ee ka barbar dagaalamaya Al Shabaab.

Booliiska Sirdoonka ee wadanka Sweden (Säpo) ayaa sheegtey in ay jiraan ku dhawaad 20 dhalinyaro Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Sweden oo ka barbar dagaalamaya ururka Al Shabaab, dhalinyaradan ayaa qaar kamid ah ku noqdey Soomaaliya si ay tababar ciidan ugu qaataan xerooyinka tababarada ee Al Shabaab kadibna u dagaalamaan iyaga aan la socodsiin waaladiintooda xilliga ay dhoofayaan.

Malena Rembe oo ka tirsan  Booliiska Sirdoonka Sweden oo saxaafada la hadashey ayaa sheegtey in ay jiraan tiro dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagey Sweden in ay ku geeriyoodeen dagaalada ka socda Soomaaliya inkastoo aysan sheegin dhalinyaradaa magacyadooda.

Malena Rembe ayaa sidoo kale sheegtey in ay jiraan waaladiin Soomaali ah oo la soo xariirey (Säpo) kuwasoo ka codsadey in ay dowlada wax ka qabato dhalinyaradan ku socota Soomaaliya si ay ugu barbar dagaalamaan Al Shabaab, balse waxey  sheegtey in ay adagtahay in dhalinyaradaa la horjoogsado madaama bey tiri la ogaan karin xiliga ay dhoofayaan iyo halka ay u dhoofayaan.

Dhanka kale wiil magaciisa ku soo koobey Maxamed oo la hadley wargeyska (Svenska Dagbladet) ayaa sheegey in ay la soo xiriirtey  Waaxda Booliiska Sirdoonka ee Sweden (Säpo) kadib markii walaalkii ka yar mudo 6 bilood ka hor u dhoofey magaalada Muqdisho dibna u soo noqon, oo ay waaxda Sirdoonka Sweden ay ugu shakisey in uu Al Shabaab ku biirey.

Maxamed ayaa Wargeyska u sheegey in walaalkii uu hayo adeerkii oo xanuunsan oo keligii ah arintaas oo Sirdoonka Sweden rumeysan kari waayey, wuxuuna Maxamed wargeysku u sheegey in baaritaanka ku socdo walaalkii uu walwel geliyey reerkooda islamarkaana ay ka codsadeen in dib ugu soo laabto Sweden.

Booliiska Sirdoonka Sweden ayaa sheegtey in ururka Al Shabaab uu yahay urur Argagixiso ah dhalinta yarna maskaxda ka xadaan si ay u sameeyaan qaraxyo Ismiidaamin ah waxeyna sheegtey in uu jiro wiil dhalsho Mareykan haystey oo Muqdisho isku qarxiyey sida ay sheegtey dowlada Mareykanka oo Al Shabaab ku dartey liiska Argagixisada Caalamiga

 

 

 

 

Xafiiska xog-waran.Muqdisho

29-May-2007

Ku noqo bogga hore