Xukumada Sweden oo shaacisay inay dalkeeda ku maxkamadayn doonto kooxaha burcad badeeda ah ee ay ka qab-qabtaan xeebaha Somalia

 

Dawladda Sweden ayaa waxay daboolka ka qaaday inay qorsheynayso inay dalkeeda ku maxkamadayso toddobo ka tirsan kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha dalka Soomaaliya kuwaasoo ay ciidamada badda dawladda Sweden ka soo qab-qabteen xeebaha dalka Soomaaliya xilli ay isku dayayeen inay afduub u gaystaan markab lagu magacaabo MV Antonis oo ku gooshayey xeebaha Gacanka Cadmeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee dalka Sweden ayaa sheegay in toddobadan qofood oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sweden ay ka qabtween biyaha gacanka cadmeed, haatanna ay ku hayaan markab ay leeyihiin ciidamada bada dawladda Sweden oo lagu magacaabo HMS Malmo kaasoo ka mid ah maraakiibta hawl gallada ka dhanka afduubka maraakiibta ka wada xeebaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha waxay sheegeen inay kooxahaasi ay qirteen inay ka mid yihiin kooxaha maraakiibta ku afduubta xeebaha dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in haddii ay ku caddaato fal dambiyeedkaasi ay la kulmi doonaan xarig u dhexeeya 25-30 sano, waxayna  noqoneysaa markii ugu horreysay oo ay ciidamada Swden qabtaan tiro ka mi ah kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com