|

Ra段sul wasaaraha DF Somalia oo saaka ka dhoofay garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho
Ra段sal wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa barqanimadii ka dhoofay Garoonka dayuuradaha Aadan-cadde ee magaalada Jabuuti.
Ra段sul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Tripoli ee dalkaasi Liibiya sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee xafiiskiisa halkaasoo uu kaga qeyb geli doono kulanka wadamada la isku yiraahdo Saaxil iyo Saxaara oo ka furmi doona dalkaasi Liibiya maalinta berri ah socona doona ilaa 30-ka bishan May, iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan dalalka ka tirsan Saaxil oo kala ah, Somalia, Nigeria, Sudan Senegal, Mautiritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad iyo Itoobiya iyo kuwo kale, iyadoo Ajendaha ugu weyn ee shirkan uu noqon doono arrimaha caafimaadka iyo dhaqanka, waxaana si weyn diirada loogu saari doonaa xaalada Somalia iyo Suudaan.
Ra段sul wasaaraha Dowlada Somalia oo la filayo min kulankaasi uu ka jeediyo khudbad oo ku saabsan xaalada Somalia ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirada dib u dhiska iyo waxbarashada, Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo C/llaahi Sheekh Max置ud (Waayeel) iyo Sarakiil ka tirsan xafiiska Ra段isul wasaaraha.
Waa markii ugu horeysey oo Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu safar ku tago dalka Liibiya tan iyo intii loo magacaabey xilka R/waasenimada.
Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho
|