Saraakiisha Q/Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD ee arrimaha Somalia oo si wadajir ah war uga soo saaray xaalada dalka
Wakiillaha arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay si wada jir ah uga soo saareen warmurtiyeed ku aaddan xaaladda dalka Soomaaliya iyo kulamadii aan caadiga ahayn ee ay Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Saddexda wakiil waxay garowsadeen go’aankii ka soo baxay kulankii ay bishan 20-keeda ku yeesheen magaalada Addis-ababa wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD kaasoo lagu falanqaynayay xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale sheegeen inay si diiran u soo dhoweynayaan war murtiyeedkii ka soo baxay kulankii ay 22-kii bishan Golaha Ammaanka iyo Nabad gelyada Midowga Afrika ku yeehseen magaalada Addis-Ababa kaasoo ay ku soo jeediyeen in xayiraad lagu soo rogo garoomada iyo dekedaha ay gacanta ku hayaan xoogagga ka soo horjeeda dawladda.
Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD waxay warmurtiyeedkooda ku sheegeen inay go’aanka IGAD ee lagu xayirayo garoomada iyo dekedaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiga uu yahay tallaabo ahmiyad gaar ah u leh wiiqidda woodda xoogga Mucaaradka, waxayna ugu baaqeeyaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tixgelin siiyaan codsiga iyo dalabka uga yimid Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ee ah in la meel mariyo xayiraadahaasi.