Jabhadda ONLF oo ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya dalka Soomalaiya inay dagaalka joojiyaan una turaan shacabkooda
Madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF Xuseen Nuur oo isagoo ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qadar la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Soomaaliya inay dagaalka joojiyaan oo wada hadal ku beddelaan, isla markaana ay qiimeeyaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo hagardaamada ay la maagan yihiin qaar ka mid ah dalalka deriska sida Itoobiya oo kale.
“Waxaan aad uga xumahay dagaallada ka soconaya Soomaaliya oo u dhexeeya labo garab oo weliba sheeganaya inay isku mabda’ iyo isku ujeeddo yihiin, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan shaqsiyaadka hoggaaminaya dhinacyadaasi inay hubka iska dhigaan oo ay meel fariistaan oo ay qiimeeyaan taariikhdii soo taxnayd ee dalka laga soo bilaabo 1990-kii iyo doorka ay dawladaha deriska ku lahaayeen dhibaatada Soomaaliya” ayuu yiri Xuseen Nuur oo ah Madaxa warfaafinta Jabhadda ONLF.
Madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF wuxuu sheegay in dagaallada ka soconaya dalka Soomaaliya ay faa’iido iyo fursad u tahay dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo horay u sheegay inaanay marna doonayn in Soomaaliya ay ka dhalato dawlad cagaheeda isu taagta sida ay horay u shaaciyeen diblomaasiyiin ka tirsan dalalkaasi oo saxaafadda la hadlay, wuxuuna u soo jeediyay dhinacyada dagaalamaya inay caqligooda kaashadaan oo ay si wada jir ah uga qayb qaataan nabad ku soo dabaalidda geyiga Soomaaliya.
“Dawladda Itoobiya waxay cadaawad gaamurtay u haysaa Soomaalida, wax qarsoonna ma ahan, horay ayayna u caddaysay inay jeceshahay in dawlad kasta oo Soomaaliya loo dhiso ay ku tiirsanaato Itoobiya si ay danaheeda uga fushato, waxayna rabtaa inay Soomaaliya u kala qaybiso afar qaybood oo labo ka mid ah haatan ay jiraan (Somaliland iyo Puntland)” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF oo dhinaca kale dawladda Eritrea ku sheegay inuu yahay dal aan xuduud la lahayn Soomaaliya, balse ay ujeedadeedu tahay inay dhibaatadu socoto oo ay isku mashquulaan Itoobiya iyo Soomaaliya.