Masuuliyiintii Dowlada KMG ee gobolka Gedo iyo Xildhibaano ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka wadeen degmada Doolow

 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maamulka Gedo ee dawladda federalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen degmada Doolow ee gobolkaasi, kuwaasoo ku wajahan gobolka Gedo oo ay haatan gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiga ah ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Xildhibaan Maxamud Sayid Aadam oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Gedo oo isagoo ku sugan degmada Doolow la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dhaq-dhaqaaqyada iyo kulamada ay ka wadaan degmada Doolow ay la xiriirto sidii nabad iyo maamul ay raali ka yihiin shacabka loogu samayn lahaa gobolka Gedo, wada hadalna loola geli lahaa qolooyinka gacanta ku haya kuwooda macquulka ah.

“Ujeedada aan Doolow u joogno horay ayaan saxaafadda ugu sheegnay, waana in dhaman bulshada iyo ummadda gobolka Gedo ay helaan nabad iyo maamul habeysan oo shareecada Islaamka ku maamula, raalina laga wada yahay, taasina loo maro waddo kasta oo suurto gal haddii ay ahaan lahayd wada hadal ama dagaal” ayuu yiri Xildhibaan Maxamud Sayid Aadan oo intaasi ku daray odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ay haatan ku hawlan yihiin arrimo la xiriira nabadaynta degmoooyinka gobolka Gedo.

 

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com