Dowlada Bulgaria oo sheegtay iney ka qeyb qaadaneyso howlaha la dagaalanka burcad badeeda Somalida

 

Wadanka Bulgaria ayaa sheegay inuu go’aansatay ka qeyb qaadashada howlaha ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay wadaan maraakiibta wadamada reer yurub,Mareykanka,Shinaha,Russia iyo Gaashaan buurta NATO ka wado xeebaha wadanka Soomaaliya.

Sdoo kale Bulgaria waxa ay sheegtay in ay howlagalka loogu magac daray ATLANTA ee ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan wadamada reer yurub ay uga qeyb qaadaneeyso in ay u soo diraan ciidamo iyo Maraakiib dagaal.

Dowlada Bulgaria waxaa ay noqoneeysaa dowladii 6-aad ee xubin ka ah wadamada reer yurub oo qeyb ka qaata howlaha ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada badda wadanka Bulgaria ka qeyb qaadashada holaha ka dhanka ah burcad badeeda  ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa howlada  kooxahaasi laga difaaco maraakiibta u rararan hay’adaha samafalka iyo kuwa ganacsiga ee mara xeebaha Gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com