|

Saraakiil cusub oo maanta loo magacaabay saldhigyada booliska iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir
Waxaa maanta ka dhacay magaaladan Muqdisho kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Booliiska Somalia Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Siciid Xasan Cawaale, Taliyaha Qeybta Bartamaha Cali Xirsi Barre (Cali gaab) iyo Saraakiil kale oo aad u fara badan, kuwaasoo magacaaabay Taliyaal cusub oo loo samneeyey saldhigyada Boliiska Degmooyinka magaalada Muqdisho
Cali Siciid Cawaale Taliyaha Boliiska G/Banaadir ayaa sheegay in Arintaasi looga dan leeyahay dar dargelinta howlaha Boliiska G/Banaadir iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada Shacabka G/Banaadir.
Taliyaashii hore ee saldhigyada Degmooyinka G/Banaadir ayaa Maanta goobjoog ka ahaa Magacabista Taliyaashaasi Cusub kuwaasi oo u hambalyeeyay madaxda Cusub ee Taliyaasha Degmooyinka, isla markaana qaarkood Kulankaasi ka sheegay in ay ku wereejin doonaan Dukumiintiyo iyo xafiisyadii ay hore ugu shaqeynayeen lamina oga waxa arintani ay ka bedeli karto amaanka gobolka Banaadir
Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho
|