|

Xagee Isla Gaari Karaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hadda ay ka dhaxeyso Isgaashaanbuureesi dagaal ayaa ah laba urur aan isku hadaf iyo ujeedo ahayn inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo ay wadaagaan.
Ragga Soomaalida ah ee labada urur horboodaya ayaa mar ka wada tirsanaa jireen ururkii Islaamiga ahaa ee burburey ee Al Itixaad ee Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan Turki, Sheekh C/lahi Cali Xaashi, Sheekh Maxamud Mire oo iminka ah ragga hogaamiya ururka Xisbul Islaam ay ka ahaayeen hogaamiyayaashii Al Itixaad ee sanadadii 1991 ilaa 1996 ee ka dagaalamey gobolada J/hoose, Gedo iyo W/Bari ee Soomaaliya.
Dhalinyarada maanta hogaamisa ururka Al Shabaabna waxey ahaayeen ardeydooda iyo ciidankii u dagaalami jirey Al Itixaad sida Axmed Cabdi Godane ( Abuu Subeyr) oo iminka ah Amiirka Al Shabaab, C/qaadir Komaandoos oo iminka ah xoghayaha Gaashaandhiga ee ururka Xisbul Islaam, Ibraahim Afgaan (Sh. Abubakar Al Saylici oo iminka ku caan baxey burburinta Qabuuraha), Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Sh.C/raxmaan warsame oo loo yaqaan (Mahad Karatee) oo iminka ka mid ah hogaamiyayaasha sar sare ee Al Shabaab oo mudo ku xirnaa dalka Kenya wuxuuna haystaa Passaport Kenyaan ah, Mahad Karatee ayaa sanadkii 2004 Booliiska nabadsugida Kenya gurigiisa kala baxeen waxaana lagu eedeeyey in uu ka mid yahay ururka "Argagaxisada ee Al QAACIDA", kadiba lagu sheegay inuu dad dilay, mudo kadib ayey dowlada Kenya soo deysey wuxuuna kadib yimid magaalada Muqdisho oo ku soo dhaweeyey Macalin Xaashi Cayrow (Allaha u Naxriisto) wuxuu kadib kamid noqdey aasaasayaasha ururka Al Shabaab.
Ragga kale ee maanta horbooda Al Shabaab oo ka tirsanaa jirey Al Itixaad waxaa kaloo kamid ah Fu'aad Shongole oo Masaajidada magaalada Stockohlm ee dalka Sweden lacagta ugu aruurin jirey ururka Al Itixaad xilligii ay haysteen gobolka Gedo waxaa kaloo kamid ah Cali Dheere Afhayeenka cusub ee Al Shabaab.
Dhalinyarada maanta hogaamisa Al Shabaab ayaa ku caasiyey hogaamiyayaashoodii hore sida Sheekh Xasan daahir Aweys, Sheekh Xasan Turki iyo Sheekh C/lahi Cali Xaashi kadib markii qaar raggaa ka tirsan ay Jihaad u aadeen dalka Afganistaan dabayaaqadii 1996 kadib burburkii Al Itixaad.
Ragga dhalinyarada ah ee Afganistaan tagtey oo la soo kulmey hogaamiyaha ururka Al Qaacida Usaama Bin Laadin ayaa waxaa kamid ah (Godane, Ibrahim Afgan, Abuu Mansuur, Ina Cayrow (Allaha u Naxriisto) oo ku dhintey duqeyntii Mareykanka ee DhuusoMareeb, Mahad Karatee iyo Fu'aad Shangole inkastoo Mahad Karatee iyo Fu'aad Shongole aan la hubin 100 % in ay Afganistaan ka soo dagaalameen), raggani waxey Soomaaliya u soo qaadeen aragtida diiniga iyo mida siyaasiga ee ururka Al Qaacida iyo dhaqaalle fara badan, waxeyna sidaa ku kasbadeen rag badan oo dhalinyaro ahaa oo hore uga tirsanaa jirey ururka Al Itaxaad, waxeyna kaloo wadanka keeneen wakiiladii Al Qaacida ee geeska Afrika oo ay kamid ahaayeen Fazul Abdullah Muhammad iyo Saleh Ali Saleh Nabhan oo dowlada Mareykanka ku eedeysey in ay ka danbeeyeen qaraxyadii Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daarasalam sanadkii 1998-dii, waxaana raggani lagu hayn jirey magaalada Muqdisho gaar ahaan guri ku yaaley xaafada Huriwaa ilaa ay markii danbe ay ka warheleen sirdoonka Mareykanka oo ay aasaaseen Isbahaysigii la Dagaalanka Argaggixisada ee wakiilada looga dhigey hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho sanadkii 2006 si raggaan Ajaaniibta ah loo soo qabto, tasoo horseed u noqotey dagaalkii Maxaakiimta iyo Isbahysiga Argagixiso la Dirirka.
Hadaan u soo noqdo Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hore u ahaa Al Itixaad ayaa farqiga u dhaxeeya maanta uu yahay in mid weli hogaamiyaayiishu ay Soomaali yihiin Xisbul Islaam halka Al Shabaab uu noqdey urur Caalami ah oo ku xiran Al Qaacida oo go'aan walba oo ay qaadanayaan looga soo fadwoodo dhulka buuraleeda ee Afganistaan.
Al shabaab waxey Sheekh Xasan Daahir u soo jeediyeen kulan au horaantii bilshaan ku qaateen magaalada Afgooye in uu ururkooda ku soo biiro arintaas oo Sheekh Xasan Daahir Aweys u cuntami weydey.
Madaxda Ururka Xisbul Islaam waa ogyihiin in xataa haddii ay ka adkaadaan dowlada Sheekh Shariif in si sahlan ugu fariisan doonin kursiga madaxtinimad ee Soomaaliya madaama ay joogaan Al Shabaab oo wadata boqolaal Ajaaniib ah oo aad u hubeysan iyo dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo maskaxda laga qabsadey, laakiin Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turki waxaa wax walba maanta ugu daran Sheekh Shariif iyo kursiga uu ku fadhiyo oo ay u arkaan mid iyaga xaq u lahaayeen madaama mudo 20 sano ku dhawaad ku jireen Jihaad kala duwan, arinta Al Shabaab waxey leeyihiin maalinteeda ha la gaaro.
(Maalinta Axada kala soco xog-waran, Qaab dhismeedka Al Qaacida, Aragtidooda Diiniga iyo kan Siyaasadeed )
Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho
|