Itoobiya, Eritareeya iyo Al Qaacida oo Soomaaliya dab ka holcinayaan, Abaabul Dagaal oo ka socda Galgaduud iyo Hiiraan.

 

Kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowlada midnimada qaran ay diideen in ay la galaan dowlada wax wadahadal ah islamarkaana xalka mushaakilka jira uu noqdey dagaal keliya ayaa waxaa iminka Soomaaliya ka socda abaabul dagaal iyo hub urursi xoogan.

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan ciidamada dowlada oo wasiirkeeda Amniga Qaranka Cumar Xaashi  uu ku suganyahay degaanka Feerfeer halkasoo lagu ururiyey maleeshiyo tira badan oo ay Itoobiyaanku hubeeyeen oo ay horkacayaan gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo duqii magaalada Beledweyn Aadan Garaaso iyo Yuusuf Dabageed oo iminka gacansaar la leh dowlada midnimada qaran sida uu Aadan Garaase u sheegey Idaacada HornAfrik ee Muqdisho.

Dhanka kale waxaa iyana hub culus soo gaarey maleeshiyada xarakada Ahlu Suna Wajameeca oo dagaal culus ka wada gobolka Galgaduud iyaga oo intii badneed ay ka soo saareen maleeshiyada xarakada Al Shabaab oo gobolka keeney Ajaaniib tira badan oo Jihaad doon ah sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka qaar kamid ah.

Xoogaga Ahlu suna Wajameeca ayaa sita hub aad u culus oo ay kamid yihiin Beebeyaal iyo madaafiicda goobta oo ay kamidyihiin qoryaha BM/ka waxeyna wararku xaqiijinayaan in hubkaa badankiis ay bixiyeen dowlada Itoobiya.

Dhanka kale Maleeshiyo tira badan oo ka tirsan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ka gudbey degmada Ceeldheer iyaga oo ku sii jeeda magaalada Ceelbuur si ay u xoojiyaan maleeshiyada Al Shabaab oo maalmihii ugu danbeeyey laga soo saarey degaano badan oo gobolka ka tirsan oo ay hore u joogeen.

Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa taageero Milatari iyo dhaqaale ka helaan dowlada Eritareeya iyo ururka Al Qaacida oo lacag iyo dagaalyahano u soo dira Soomaaliya. Dowlada Itoobiyana waxey dhankeeda ka hubeysaa maleeshiyada Ahlusuna Wajameeca iyo ciidamada dowlada oo ay siiso tababar iyo hub.

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ku soo foodleh dagaalo culculus oo dhiig badan ku daata, qax iyo burbur baahsana keeni kara, waxeyna shacabka Soomaaliyeed eedsan doonaan kooxaha ku dagaal gala magaca Diinta Islaamka oo diidey khilaafaadka jira ku xaliyaan wadahadal iyo tanaasul iyaga oo u naxaya shacabka masaakiinta ah ee mudada dheer ku soo jirtey rafaad, gaajo, cudur iyo dagaalo aan dhamaad lahayn.

 

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com