|
Talyaaniga oo markii ugu horeysay muddo sanado ah deeq caafimaad soo gaarsiiyay isbitaallada Muqdisho oo ay ka buuxaan dad dhaawac ah
Deeqo isugu jirto daawo iyo qalab caafimaad oo ay dawladda Talyaaniga ku deeqday Soomaaliya ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Muqdisho oo xilligan la ciir-ciiraya bukaano waxyeello ay ka soo gaartay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya. Deeqdan daawada ah iyo qalabka caafimaad oo dhan 23 tan ayay waaxda horumarinta iyo gar-gaarka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga soo gaarsiisay magaalada Muqdisho iyadoo kaddibna lagu wareejiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda federalka oo iyagana u sii gudbiyay isbitaallada magaalada Muqdisho sida Keysanay, Banaadir, Madiina, Al Xayaat Deyniile iyo goobo caafimaad oo kale. Wasiirka arimaha dibadda ee talyaaniga Franco Frattini ayaa sheegay in iyadoo laga jawaabayo codsi ka yimid Ra’iisul wasaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ay wasaaradda arimaha dibaddu u dirtay Soomaaliya qalab caafimaad oo ay ka mid yihiin qalabka Qaliinka, sariiro iyo Alaabo kale oo si deg deg ah ay ugu baahnaayeen dadka rayidka ee ay saamaynta ku yeesheen dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho.
xog-waran@hotmail.com |