Saxafiyiin u kala dhashay Canada iyo Australia oo ku afduuban gudaha Somalia ayaa  qeylo dhaan soo saaray

 

 

Saxafiyiin ajnabi ah oo muddo dhan sagaal bilood gacanta ugu jira kooxo afduubayaal Soomaaliyeed ayaa waxay dalbadeen dalalka ay u dhasheen iyo beesha caalamkaba in gacan laga gayso sii deyntooda kaddib markii ay sheegeen inay wajahayaan xanuuno fara badan oo aanay u sii adkaysan karin inay ku sii sugnaadaan gacanta afduubayaasha.

Saxafiyiintan oo kala ah haweeney u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia oo xiriir la sameeyay wakaaladda wararka AFP iyagoo aan sheegin halka ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen madaxda dalalka ay ka dhasheen inay dadaal dheer u galaan maadaama ay in muddo ku jiraan gacanta kooxo hubeysan oo ka doonaya lacag madax furasho ah oo cadadeeda lagu sheegay hal milyan oo doollar qofkiiba.

Haweeneyda saxafiyadda ah ee u dhalatay dalka Canada ayaa waxay sheegtay inay muddooyinkii ugu dambeeyay ay la soo deristay xaalad caafimaad darro gaar ahaan xanuuno dhinaca beerka iyo wadnaha ah, waxayna madaxda dalka Canada ka codsaday in la bixiyo lacagta madax furashada ay ka doonayaan si ay ugu suurto gasho inay dib ugu laabato dalkeeda, iyadoo dhinaca kalena sawir qaadaha u dhashay dalka Australia uu isagana codsi kaa la mid ah u diray madaxda dalka Australia kana dalbaday in gacan laga gaysto sii deyntooda.

Suxufiyiintan ajnabiga ah ayaa sanadkii hore waxaa laga afduubay waddada dheer ee u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye xilli ay hawlo shaqo ugu socdeen deegaanada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, waxaana markii la afduubayay la socday sawir qaade Soomaali ah oo isaga muddo kaddib ay sii daayeen kooxihii afduubka ku haystay.

 

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com