Xaalado kacsan oo ka taagan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ka dib markii ay halkaasi soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan DF Somalia

 

Xoogagga Islaamiga ah ee ku sugnaa saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeynley, qeybna ka ah xoogagga dagaallada ba’an kula jira dawladda federalka iyo ciidamada shisheeye ayaa xalay saqdii dhexe gebi ahaanba faarujiyay Saldhigga Galbeed oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii dawladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay timid magaalada Muqdisho kaddib markii lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Goobjooge ku sugan nawaaxiga Saldhigga Galbeed ayaa sheegay in xoogagga halkaasi ku sugnaa oo isugu jiray Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe ka baxeen saldhgga kuwaasoo isu qaybiyay labo qaybood oo qeyb ka mida ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Kaxda, halka qeybta kalena ay saakay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degmada Xoosh oo aan wax sidaasi ah ka fogeyn degmada Dharkeynley.

Wuxuu intaasi ku jiray goob joogahaasi in saldhigga uu saakay waabarigii ahaa mid haawanaya oo aanay cidina ku sugnayn, ciidamada dawladda federalkana ay saakay ku sugan yihiin nawaaxiga Tabakaayo Madow ee degmadaasi halkaasoo ay xalay soo buux dhaafiyeen, wuxuuna intaasi ku daray in dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka nawaaxiga saldhigga galbeed uu saakay ahaa mid gaabis ah.

Ka bixitaanka xoogagga Islaamiga ah ee Saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeynley ayaa ka dambeysay kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan dawladda federalka Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay buux dhaafiyeen xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley kuwaasoo doonayay inay weerar ku qaadaan xoogagga ku sugan saldhigga Galbeed, iyadoo warar hada na soo gaarayna ay sheegayaan in xoogagaai ay dib ugu soo laabteen saldhiga saaka.

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com