Burcad badeed tiradoodu kor u dhaafeyso 200 oo sheegay inay iska dhaafeen falalkaasi ka dib wacyi gelin loo sameeyay

 

 

Wararka laga helayo degmo xeebeedka Ayl ee gobollada Puntland ayaa waxay sheegayaan in ku dhowaad 200 oo dhallinyaro ah oo horay uga tirsanaa kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha dalka Soomaliya ay si cad u sheegeen inay ka tanaasuleen falalkii ay ku hawlanaayeen iyagoo qiray inay si aad ah uga qoomameeyeen falalkaasi gurracan isla markaana aysan dib dambe ugu laaban doonin.

Ka tanaasulidda dhallinyaradan ay ka tanaasuleen falalka afduubka maraakiibta ayaa ka dambeysay kaddib markii ay wacyi gelin ballaaran sameeyeen culimaa’udiin, waxgarad, salaadiin iyo isimo ka soo jeeda gobollada Puntland kuwaasoo dhallinyarada ka dhaadhiciyay fal dambiyeedka ay ku jiraan iyo cawaaqibta ka dhalan karta iyo sida ay sumcad xumo ugu soo jiideen gobollada Puntland iyo Maamulka ka arrimiya intaba.

Qaar ka mid ah isimada ku hawlanaa wacyi gelinta dhalinyaradaasi oo saxaafadda kula hadlay degmada Ayl ayaa waxay sheegeen inay tiro maraakiib ah oo dhallinyarada abduubayaasha ah ay ku haysteen xeebaha degmada Ayl la sii dayn doono maalmaha soo socda iyadoo aan laga qaadin wax madax furasho, wuxuuna dhinaca kale u mahad celiyay dhallinyaradii ka aqbashay dalabkooda kana qaadatay wacyi gelinta.

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com