Maxey  ku dhinteen maxeyse ku dhaawacmeen ?.

 

Axmed Sheekhdoon Siidow Weheliye Naftii hurihii isku qarxiyey ciidamada AMISOM, xili Culimada Soomaaliyeed ku baaqeen in 120 maalmood la siiyo ciidamada AMISOM si dalka ugu baxaan, Talow Abuu Mansuur iyo Fu'aad Shongole goormee wiilashooda gaari Miineysan u dhiibi doonaan ?

Dhalinyaro caruur ah oo kooxaha Islaamiyiinta dagaal gelinayaan, maxey tahay mustaqbalka caruurtani leeyihiin ?. Xilligii dugsi dhaxe ama dugsi sare dhigan lahaayeen ayaa qori loo dhiibi Jihaad aan jirin baa lagu dagaal gelinayaa '

Talow ma gaareen 15 sano wiilashan yar yar oo ay dagaal gelinayaan kooxaha xukun doonka ah balse diinta Islaamka ku ganbanaya. Waa qayb weyn oo kamid ah ayaandarada ku dhacdey shacabka Soomaaliyeed

Wiilkan dhalinyarada ah noloshiisa oo idil dagaal bey ka dhigeen, dil, gub, guluf colaadeed. Lama barin weedhaha naxriista sida nabad, taakuleyn, xasilooni iwm. Bal isweydii Hogaamiye Kooxeedyadii hore iyo wadaadada nabad diidka ah ee  dagaal doonka ah maxey ku kala duwanyihiin marba hadii dhiiga shacabka kursi lagu raadinayo ?.

Maxaey ku dhinteen maxeyse ku dhaawacmeen dadkan Soomaalida oo waxba galabsan mise iyagana dilkooda Jano ayaa lagu tagayaa ?. Waa Cajiib maxaa qofka Soomaalida ah naftiisa qiima tirey ?.

Muxuu ku dhintey ninkan Soomaaliga ?. Al Shabaab, Raaskaanbooni, JABISO, Furqaan Caanooley, Asmara iyo inta dagaalka wada iyagaa Jawaabta laga rabaa

Hal Askari oo Ugaandheys ah dilkiisa ma u dhigataan 30 Soomaali ah dhimashadooda ?. Dhiiga qofka Soomaaliga xukun in lagu gaaraa ma banaan tahay iyada oo weliba la Isticmaalaya magaca ALLE ?

Murtid, Murtid ', Dhiiga Shacabka Soomaaliyed mala baneystey gedigood ma Gaalaa lag dhigey ?. Wadaada dhiiga daadinaya ee nabada diidan Illah ha soo hanuunsho.

Dadkii guryahooda ku soo laabtey ayaa dib loo barakiciyey kadib markii lagu dul dagaalamey. Qofkii dhaliila ama ka aragti duwan Murtid ayey ku sheegaan wadaadada Jihaad doonka ah hadaba sidee wax loogu sheegaa ?.

 

 

Xog-waran: U doodaha shacabka dhibaateysan ee aan hadli karin

Nagala Soo Xiriir