Madaxweyne Shariif oo codsaday in dowladiisda laga qabto wax uu ku tilmaamay cadow ku soo duulay

 

Madaxweynaha DF Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa beesha caalamka iyo shacabka Somaliyeed ugu baaqay in ay dowlada ka difaacaan waxa uu ugu yeeray Ajaaniib ku soo duushay dalka Soomaaliya oo sida uu tilmaamay  ay dalka soo geliyeen kooxo uu ku sheegay wax ma garato Soomaali ah kuwaasoo doonaya iney ka dhigaan dalka Soomaaliya Afghanistan iyo Ciraq oo kale ka dib shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta Madxtooyada ee Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, asaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yiri:

“Waxaa jira kooxo dalka ka fulinaaya dagaalo, ka shaqeynaaya dalkaanu inaanu degin islamarkaana ujeedadoodu tahey inay  fuliyaan ujeedooyin dowlado shisheeye ka leeyihiin dalka, waxaa la socotiin in dalka lagu soo duuley oo kooxo shisheeye iyo dad Soomaali ah ay marin-habaabinayaan ku soo duuleen, Dagaaladana ay ka qeyb qaadanayaan dad shisheeye ah, saanadda iyo lacagtana ay iyaga ka helaan taas marka waa khatar ku soo korortay Dalka, sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan u sheego Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkaba in maanta looga baahan yahey in laga difaaco Soomaaliya duulaankaas foosha xun oo loogu diidaayo Shacabka Soomaaliyeed xoriyadooda iyo degenaanshahooda iyo qaranimadooda ”.

Madaxweyne ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkii dhawaan wadamada IGAD ay ku soo gabagabeeyeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ay ka soo bexeen go’aano uu ku tilmaamay dhaxal gal oo ay ka mid yihiin in cuna qabateyn lagu soo rogo garoomada ay ka soo dejiyaan hubka iyo ajaanibta ka dagaalamata gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif waxaa uu soo dhaweeyay degaalo uu ku tilmaamay kuwo dib u xureyn oo ka socda gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyed iney difaacaan karaamadooda iyo xoriyadooda ilaashadaana diintooda muqadaska ah.

Shirkan Jaraa'id ee Sheekh Shariif qabtey ayaa ku soo aadaya iyada oo magaalada Muqdisho mudo 2 todobaad ah uu dagaal ka socdo islamarkaana hay'adaha sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo galeen rag Ajaaniib ah oo ka tirsan ururka Al Qaacida oo ay ka bar bar dagaalamayaan kooxda Al Shabaab.

 

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com