Kulan Balaaran oo Beesha Mudulood Yeesheen oo Ay ka Soo Qayb Galeen Maxamed Dheere, Salaad Cali Jeele iyo Xildhibaano kale.

 

Kulan aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen Culimaa'udiinka, Waxgaradka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Kulankan oo laba maalmood socdey ayaa ka soo qaybgaley dad kor u dhaafey 1000 qafood waxaana looga hadlayey dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo sidii ay beeshu hal mowqif ugu qaadan lahayd.

Kulankaa oo ay ka hadleen Culimaa'udiin, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kale ayaa waxaa lagu sheegey in beeshu isku raaceen in ay garab istaagaan dowlada midnimada qaran islamarkaana iska difaacaan kooxaha ay ku sheegeen in ay ka soo duuleen deegaano kale kuwasoo ku haya xasuuq iyo barakicin degaanada beeshu degto.

Kulankan ayaa gebegabadiisu ay ka hadleen gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere, Xil. Salaad Cali Jeele, Xil. Xuseen Caraale, Cabdi Ibraahim , Xil. C/lahi Maxamed Xasan iyo Xil. Prof. Cali Mugaambo,  Culimaa'udiin iyo Wagarad kale waxeyna sheegeen in aan loo kala harin difaaca dalka, diinta iyo dowlada.

Waxgaradkii meesha ka hadley ayaa sheegey in afkooda ku hadli karto dowlada iyo in ay isku waafaqday in deegaanadeeda duulaan lagu yahay ayna u istaagaan iska difacida cadow kasta ee ku soo gardarooda diinteeda, sharfteeda iyo hantidooda, islamarkaasna waxey beeshu si gaar ah isku waafaqday in dagaalka hada Muqdisho ka socda uu yahay dagaal siyaasadeed balse uusan ahayn dagaal qabiil, sidaas darted waxaa loogu baaqay cid kasta ee lug ku leh dagaaladaasi inay ka waantowdo, Beshana waxy isku raacdo inay iska celiso cid kata oo ku soo xadgudubta, sida Ururka Al-Shabaab.

Waxey Xildhibaanadu Beesha Mudulood ugu baaqeen inay ogaadaan  inaan la arki doonin meel lagu duugo dadkiina sharafta leh, islamarkaana ay Al-shabaab doonayso inay la baxaan lafihiina iyagoo u iib geynaaya wadamo kale.

“Waxey Al-shabaab doonaysaa inay la baxaan Culimada Beesha Mudulood oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabdi Celli, Sheekh Cali Cabdulle iyo Sheekh Muxyadii Celli iyo Culimada kale ee sharafta leh, sidaas darted waa inaad ogaataan in waxa loo socdo inaad tihiin idinka, waxaana waajib idinku ah inaad ka hortagtaan danaha gaarka ah ee kooxda Al-Shabaab”  ayay yiraahdeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxmed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere )  Gudoomiyihii hore iyo Duqa Gobolka Banaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qaybgalo kulanka wuxuuna beesha ka codsadey in wixii hore u dhacey la'iska cafiyo, wuxuuna sidoo kale ka hadley xiritaankii ay u geysteen ciidamada Itoobiya asaga oo ku tilmaamey in ay caddow ahaayeen, wuxuuna beesha u sheegey in hadda diyaar u yahay in beesha difaaco islamarkaana aadayo meeshii loo diro.

Kulankan ayaa sida ay sheegeen dadkii ka soo qaybgaley ku dhamaadey guul, waxeyna dadkii kulanka ka soo qayb galey wejiyadooda ka muuqatey farxad iyo carro xoog leh iyaga oo isku dardaarmayey in aan loo kala harin sidii la'isaga difaaci lahaa kooxaha ku duuley magaalada Muqdisho iyaga oo magac diin xanbaarsan.

 

 

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com