Al-shabaab oo sheegatay iney ka dambeysay qaraxii is miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Madaxa Siyaasadda gobollada ee Xarakada hubeysan ee Al-shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa qiray in qaraxii is miidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday xero lagu tababaro ciidamada dawladda oo ku taalla Haamo-dhowr inay ka dambeeyeen xarakada Al-shabaab kaddib markii ay ka war heleen in halkaasi laga soo maleegayo weerar mar kale lagu soo qaado Mujaahidiinta.

“Waxaan ugu bishaaraynayaa camaliyadii maanta ka dhacday meesha lagu magacaabo Haamo dhowr oo ay ku xareysnaayeen murtadiinta oo isugu jira kuwo lagu soo tababaray Itoobiya iyo Uganda, kuwaasoo doonayay inay mar labaad Mujaahidiinta weeraro la soo beegsadaan, waxaana camaliyadaasi fuliyay Alle ha barakeeyee Shahiid C/qaadir Xasan Maxamed (Catiir) oo Soomaali ah oo ku dhashay xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo intaasi ku daray inay qasaare laxaad leh gaarsiiyeen ciidamada dawladda ee halkaasi ku sugnaa.

Madaxa Siyaasadda Xarakada Al-shabaab ee gobollada Sheekh Xuseen Cali Fiidow wuxuu sheegay inuu ummadda Muslimiinta ah ugu bishaaraynayo in Ilaahay cadowgiisa uu jabay oo niyad jab iyo argagax Ilaahay uu ku riday, wuxuuna Alle uga baryay inuu shahaadadiisa ka aqbalo shahiidkaasi oo gadaashood Alle uusan fidneyn, isagoo dhinaca kale sheegay inay jiraan weeraro kale oo ay la damacsan yihiin xarumaha ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray saliibiyiinta iyo kuwa camiilka u ah.

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com