|

Xaaladda goobihii ay shalay dagaallada iyo duqeymaha ka dhaceen magaalada Muqdisho oo saaka deggan iyo cabsi dagaal oo weli jirta
Waxaa saakay deggan goobihii shalay gelinkii dambe ay dagaallada culusi ku dhex mareen ciidamada Dawladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda ee waddada wadnaha gaar ahaan isgoyska Aadan Cadde iyo nawaaxiga isgoyska Sanca, iyadoo dhinaca kalena ay sii kordhayaan qasaaraha ka dhashay duqeyn aad u culus oo barbar socotay dagaalka oo ay labada dhinac is waydaarsanayeen.
Waxaa sidoo kale weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadwaynaha ee wadnaha laga bilaabo isgoyska Hawl wadaag ilaa Sanca oo ka mid ah goobaha shalay lagu dagaalamay, waxaana halkaasi weli isku hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay oo mararka qaar rasaas goosgoos ah ridaya, iyagoo rasaas soo raacsiinaya waddada dheer, mase jiro dagaal fool-ka-fool ah oo saakay soconaya.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay duqeyntii shalay gelinkii dambe laysku waydaarsaday magaalada Muqdisho kuwaasoo qaarkood ku dhacay goobo ka baxsan meelaha lagu dagaalamay, waxaana inta la xaqiijiyay duqeyntaasi oo meelo kala duwan ku dhacday ku geeriyooday in ka badan 10 qofood, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 15 qofood kuwaasoo loo qaaday goobaha caafimaadka.
Ku noqo Bogga hore
24/05/2009
Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho
|