|

Maamulka Kismaayo oo sheegay in garoonka magaaladaasi uu si shaqeynayo oo aysana saamayn ku yeelan doonin go’aanka IGAD
Maamulka garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo oo si caadi ah u shaqeynayo isla markaana aysan jirin wax saamayn ah oo uu ku yeeshay go’aankii ay dhowaan urur goboleedka IGAD isku raaceen ah in cunaqabatayn dhinacyada badda, berriga iyo cirka ah lagu soo rogo gobollada ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta.
Taliyaha dhinaca ammaanka ee garoonka magaalada Kismaayo oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in garoonka uu furan yahay oo ay isticmaali karaan dhamaan shirkadaha diyaaradaha iyo ganacsatada, wuxuuna intaasi ku daray in garoonka uu yahay garoon Soomaali leedahay oo aan dal kela kala dhaxaynin.
Taliyaha dhinaca ammaanka ee garoonka magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay dayactir balaaran ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee garoonka isla markaana ay ka xireen meelihii ay ka soo geli jireen xoolaha, wuxuuna intaasi ku daray inay sidoo kale sugeen ammaanka garoonka una diyaariyeen ciidamo si gaar ah u tababaran.
Hadalka taliyaha dhinaca ammaanka ee garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili ay dhowaan urur goboleedka IGAD ay ka dalbadeen Qaramada Midoobay in cunaqabatayn lagu soo rogo garoomada ku yaalla goobaha ay ku gacanta ku hayaan xoogagga ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.
Ku noqo Bogga hore
24/05/2009
Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho
|