|

Masuul u hadlay Maxkamadaha Islaamiga oo beeniyay in sarkaal iyo ciidamo iyaga ka tirsanaa ay biireen Xisbul Islaam
Iyadoo saacadihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in saraakiil horay uga tirsanaa Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee ku biiray dawladda kmg ay isu soo dhiibeen xoogagga ka soo horjeeda dawladda sida Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ayaa waxaa warkaasi beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay afhayeen u hadlay midowga Maxkamadaha taageersan dawladda oo lagu magacaabo Sheekh C/risaaq Maxamed Khayrow.
Afhayeenka u hadlay Midowga Maxkamadaha wuxuu sheegay in ay dhici karto in hal qof ama labo ka tirsanaa Midowga Maxkamadaha ay isaga soo tagaan oo ay ku biiraan dhinacyada kale, wuxuuse sheegay inaanu jirin wax qorshe ah, hub ama ciidan ah oo ay raggaasi kala tagaan Maxkamadaha, isagoo dhinaca kale sheegay in xoogagga ka soo horjeeda ay warbaahinta ka sii daayaan dacaayado iyagoo soo qab-qabta dad ay heshiis hoose la galeen kana dhaadhacsiiyaan inay yirahdaan waxaan ka soo baxsanay Midowga Maxkamadaha Islaamiga.
Sheekh C/risaaq Maxamed Khayrow wuxuu sheegay in ninka ay Xisbul Islaam ku sheegeen inuu yahay sarkaal ee isku dhiibay uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Maxkamadaha kuwoodii dib dambe uga soo biiray, wuxuuna intaasi ku daray inay xaqiiq tahay inuu ka mid ahaa raggii soo halgamay, balse ma jiro buu yiri wax saamayn ah oo tagitaanka shaqsigaasi uu ku yeeshay midowga Maxkamadaha Islaamiga.
Hadalka afhayeenka u hadlay Midowga Maxkamadaha ayaa waxa uu jawaab u yahay hadal ka soo yeeray masuuliyiinta xoogagga Xisbul Islaam oo ay ku sheegeen in sarkaal lagu magacaabo C/qaadir Xamza (Qataatow) oo ka mid ahaa nin ku xeel dheer xir-xiridda iyo aasidda miinooyinka oo horay uga tirsanaa Midowga Maxkamadaha ee ku biiray dawladda federalka uu iyaga isku soo dhiibay, isla markaana ballan qaaday inuu hadda kaddib la shaqeynayo xoogagga la dagaalamaya dawladda midnimada qaran.
Ku noqo Bogga hore
24/05/2009
Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho
|