Urur diimeedka Ahlu Sunna wal-jameeca oo dambi ka dhan ah sharecada Islaamka ku tilmaamay burburinta qabuuraha ee ka soconaya degmada Bardheere 

 

Iyadoo ay weli soconayaan hawl gallada ay xarakada hubeysan ee Al-shabaab ku burburrinayaan qabuuro fara badan oo ay ku aasan yihiin culimaa’udiin caan ka ahaa degmada Baardheere ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay oo qaylo dhaan ka muujiyay Culimada Ahlu Sunna wal-jameeca ee gobolka Gedo.

Sheekh Ismaaciil Sheekh Cabdi oo u hadlay Dariiqada Ahlu sunna wal-jameeca ee gobolka Gedo oo isagoo ku sugan degmada Doolow la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin hawl gallada lagu burburinayo qabuuraha oo ay wadaan xoogagga uu ku tilmaamay khawaarjijiin, wuxuuna intaasi ku daray inaysan diin ahaan wanaagsanayn in qof mar hore dhintay qaburaha laga soo qufo lafihiisa.

Afhayeenkaasi u hadlay dariiqada Ahlu Sunna wal-jameeca wuxuu sheegay in aysan u u sii dul qaadan doonin burburrinta lagu hayo qabuuraha mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee door weyn ku lahaa fidinta diinta Islaamka, wuxuuna intaasi ku daray inay jawaab ka bixin doonaan maalmaha ugu dhow, isagoo hoosta ka xarriiqay in kooxahaasi ay fidno iyo fasahaad ku sameynayaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale Sheekh Ismaaciil Sheekh Cabdi wuxuu sheegay inaysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado iyaga xoogagga uu ku tilmaamay khawaarijta qarniga cusub isla markaana ay dagaallo kala dhexeeyaan, wuxuuna intaasi ku daray inay ku hawlan yihiin qorshooyin gobolka Gedo looga sifaynayo xoogaggaasi.

 

Ku noqo Bogga hore

24/05/2009

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com