Website-yadii sida xooga u taageersanaa C/lahi Yuusuf iyo Itoobiyaanka oo iminka taageersan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam, Cajiib

 

Barnaamijkii Hadalhaynta Todobaadka ee maalintii Jimcihii ka baxey Horn Afrik ayaa wasiirka Garsoorka Sheekh C/raxmaan Janaqow ku sheegey in dagaalka Muqdisho ka socdo uusan ahayn dagaal Diimeed balse yahay dagaal lagu doonayo in Beesha Hawiye lagu barakiciyo islamarkaana lagu doonayo in ay ebid ku jiraan rafaad iyo dagaallo tasoo uu sheegey in ay geysanayaan Beelo kale oo dhul fog ka soo dagaal tagey iyaga oo kaashanaya rag Ajaaniib ah oo dhulal fog ka yimid. Ka dhageyso www. Gargaarka.com

Hadalka Sheekh Janaqow waxaa sii xoojinaya oo caddeyn kugu filan marka aad u fiirsatid Website-yadii taageersanaa jirey Col. C/lahi Yuusuf iyo Ciidamadii Itoobiyaanka ee Muqdisho Xasuuqa ka wadey labadii sano ee la soo dhaafey iyo  sida ay uga hadlayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyaga gedigooda la safan Al shabaab iyo Xisbul Islaam oo ay shaley u yaqaaneen Argagixiso. Arimaha socda waa " La jiifyaana banaan la joojiyaana banaan".

Soomaali weligeedbey Muslim ahayd maxey tahay Muslimnimada maanta shacabka Muqdisho loo keenayo laguna xasuuqayo, iyaga oo aan weli ka soo kabsan dhibaatadii ciidamada Itoobiyaanka u geystey.

Shacabka Muqdisho marna hadii Itoobiyaankii loo soo kaxeystey u laayey Argagixiso baad gabaad siisaan, marna Al Shabaab u laayo Murtadiin baad taageero sii saan, waa iga su'aalle maxaa ka soo hari doona. 

 

Qore Yoonis Haji Ali 

yooniz@hotmail.com