|
,
Muqdisho oo mar kale foolanaysa!! Tolow maxay Dhali doontaa ?!
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa aad u kacsan waxaana muuqata saansaan colaadeed, dadka Muqdisho ku degan oo ah dad dagaal ku nool ah ayaa waxey saadaalinayaan in magaalada ku soo foodleeyahay dagaal culus oo lagu hoobo. Dad badan ayaa bilaabey in magaalada isaga qaxaan gaar ahaan dadka ku nool xaafadaha Wardhiigley, Howlwadaag iyo Hodan xaafadahaasoo hadda isku bedeshey furin dagaal.
Ciidamo tiro badan oo ka tirsan ururka Al shabaab ayaa maanta soo buux dhaafshey agagaarka Suuqa Bakaaraha kuwasoo maalmihii ugu danbeeyey ka kala yimid gobolada dalka, waxaana maanta magaalada soo galey ciidamo kale oo ka soo noqdey gobolka Sh/Dhaxe sida uu inoo xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Al Shabaab.
Ciidamada Al Shabaab oo tiro ahaa aad ugu badan kuwa Xisbul Islaam ayaa waxaa lagu qiyaasayaa kuwa magaalada Muqdisho ku sugan ilaa 3000 oo dagaalyahano oo sida wararku sheegayaan ugu yaraan 200 oo kamid ah ay yihiin Ajaaniib ka tirsan urur weynaha Al Qaacida oo u soo gurmadey walaalahooda Al Shabaab.
Xisbul Islaam ayaa sidoo kale Muqdisho ku haysta ciidamo aad u hubeysan oo kuwa ugu badan ka yimid J/hoose iyo gobolka Hiiraan laakiin tiro ahaan ma badna oo sida ay inoo sheegeen rag ka tirsan Xisbul Islaam garabka Sheekh Cameey oo iminka dowlada ku biirey, Ciidamada Xisbul Islaam ee garabka Dr. Cumar Iimaan kama badna 700 oo dagaalyahano waxaase jiri kara rag aan ururka ka tirsaneen laakiin Beel ahaan ugu soo gurman kara Sheekh Xasan Daahir Aweys hadii uu dagaalku kululaado kuwasoo tiradooda aysan jirin cid qiyaasi karta.
Dhinaca ciidamada dowlada ayaa waxey haystaan ciidamo lagu qiyaasey ilaa iyo 3000 oo Askari kuwasoo in badan oo kamid ah la qorey Todobaadkii hore markii uu qarxey dagaalkii 8 maalmood socdey.
Ciidamada dowlada waa ciidamo kala duwan qaar tababar ciidan oo aad u sareysa leh iyo kuwo dhaqaalle u soo doontey ciidanka oo aan lahayn wax tababar ciidan ah, waxaase ku jira tiro aan sidaa u badnayn oo ka tirsanaa jirtey ciidamadii MMI kuwasoo sida ay inoo sheegeen dad xog ogaal ah tira ahaan aan ka badneyn 300 oo xubnood, balse ciidanka dowlada ayaa wuxuu haystaa hub iyo rasaas tiro badan oo maalmo badan uu ku dagaalami karo.
Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho ku sugan ciidamada AMISOM oo tira ahaan lagu qiyaasey 4000 oo Askari oo ku hubeysan hub casri ah oo aysan haysan Mucaaradka xitaa ciidamada Dowlada, ciidamada AMISOM ayaa la hubaa in dagaalka soo gali doonaan markasta oo ay Dowlada KMG ay ka codsato ama loo soo dhawaado xurunta Madaxtooyada.
Dowlada iyo Mucaaradkaba waxey muujinayaan in aan uu iminka jirin xal aan ahayn dagaal lagu kala baxo, waanwaantii iyo wadahadalkii xilligiisii waa dhamaadey. Muqdisho markale ayey foolaneysaa waxaase la sugayaa waxa ay dhasho.
Xafiiska xog-waran. Muqdisho
|