Waxa magaalada Baraawe ka dhacay shir weyn oo ay iskugu yimaadeen ururada Takfiirka oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 urur (Takfiir-Jawi, Takfiir-Al-Hijra iyo Al-Shabaab) waxayna saddexdaas urur isku raaceen in la qaato manjahka Takfiirka oo nuxurkiisu yahay in la gaalaysiiyo cidii aan ka tirsanayn saddexdaas urur. Masaajida inaan lagula tukan karin Soomalida kale, isla markaana aan la cuni karin xoolaha ay gowracaan Soomaalida Muslimiinta ah.
Faafinta manhajkaas waxaa loo xilsaaray 7 wadaad oo ka tirsan saddexdaas urur, waxana la faray inay si joogto ah uga istaagaan masaajidda Muqdisho oo ay ka faafiyaan manhajkaas. Raggii ugu horeeyay oo ka hadlay masaajida qaarkood ayaa sheegay in hadalka la caadaystay ee ah in Soomalidu ay tahay Muslimiin 100% uu yahay mid wax-kama-jiraan ah, tirada rasmiga ah ee Muslimiinta Somaliyana aysan dhamayn 5% waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxayna raggaas sheegeen in qofkii yiraahda Somalidu waa Muslimiin 100% uu dambi ku dhacay loogana baahan yahay inuu toobad keeno. Dadweynaha ku tukada masaajida ay ka hadlaan ragaas ayaa bilaabay inay fadhiga ka kacaan marka lagu wacdiyo manhajkaas Takfiirka.
Culumada Soomaliyeed ayaa looga fadhiyaa inay ka jawaabaan faafinta manhajkaas gaar ahaan kuwooda jooga dibadda maadaama kuwa jooga gudaha Somaliya ay naftoodu khatar galayso haddii ay radiyaan manhajkaas Takfiirka.
Xigaso: Wadanka.com