Saraaakiisha ciidamada Ugandha oo ka warbixiyey qasaaraha sanadkan ka soo gaaray dagalada ka socda Muqsiisho
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ugadha oo ay soo xiganayaan warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in sanadkaan oo kaliya laga dilay ciidamada Uganda shan askari oo ka mid ahaa ciidankooda ka howlgalaya gudaha Muqdisho iyadoo ay dhaawacyo soo gaareen 12-askari.
Hadalkaan oo ay shaacisay Jariirada Observer ayaa lagu xaqiijiyay in xarunta madaxtooyada Saraakiil ka tirsan ay arintaas sheeciyeen, kuwaas oo si gaar ah ula shaqeeyo Madaxweynaha wadanka Uganda.
Warbixinta ayaa la sheegay in ay wali lagu mashquul sanyahay sidii magacyada askarta lagu dilay Muqdisho loo soo bandhigi lahaa,iyadoo ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay khasaaro ka soo gaartay gudaha Soomaaliya.
Francis Okello Abaanduulka ciidamada difaaca Uganda ee oo ka hadlay qoraalka uu the Observer ayaa ku sifeeyay dhibaatada qabsaday ciidamada wadankiisa musiibo xanuun leh oo mudan in maalmo loo murugoodo sida uu sheegay.
Ciidamada AMISOM ayaa intooda badan lagu dilay, iyagoo howlgalo miino baaris ah ka waday wadooyin ka mid ah caasimada Somalia, gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah ee gala garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
Ku noqo bogga hore