Ciidamada maxaakimta Islaamka oo howlgalo lagu sugayo amaanka ka wada degmooyin ka tirsan Gobolka banaadir
Howlgalo lagu sugayo amaanka Degmada Xamarweyne ayaa ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed halkaas ka wadaan, iyagoo dad ku soo qab qabtay sida ay saraakiisha Maxkamadaha ay sheegeen.
Ku-simaha afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa sheegay in ay jiraan qorsheyaal ay uga hortagayaan dhibaatada ay shacabka u geysanayaan askarta aan anshaxa la heyn, isla markaana amaanka ku sugayaan.
Afhayeenka C/risaaq Qeyloow ayaa wacad ku maray in aysan ogalaan doonin cidkasta oo dhibaato shacabka ku haysa gacan bir ahna ay ku qaban doonaan sharcigana horkeeni doonaan.
Degmada Xamarweyne waxaa u barakacay, islamarkaana deegaano ka dhigtay boqolaal qoys oo ka cararay guryahoodii sababo la xariira dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.