Biyo la’aan xoogan oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Somalia
Biyo la’aan xoogan ayaa waxaa ay saameyn baahsan ku yeelatay Nolosha Dad badan oo xoolo dhaqato iyo beeralay isugu jiro iyadoo sidoo kale duunyo badan u dhamaadeen Arrintan biyo yarida ah. Iyadoona Dadka ku dhaqan deegaanada qaarkood sida Tuulooyinka Halgan,Buuco, Baardheere iyo kuwa kale oo dhowr ah oo hoostaga Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay Qaylo dhaantii ugu xumeyd ay ka soo yeerayso.
Biyo la’aantaani tuulooyinkaasi ka jirtay ayaa waxaa ay saamayn baaxadleh ku yeelatay Nolosha Dadka iyo Duunyada halkaasi ku dhaqan waxaana la sheegay in ay soo taagnayd mudo sanado ah kadib markii ceelashii halkaasi ku yiilay ay Biyo yareeyeen halka qaarka kalana ay Gureen oo wax biyo ahba laga waayay xili Sanadkaan Deeganaao badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay soo martay Abaar Xoogan oo Samaysay Dadka iyo Duunyada waxaana taasi u sii dheereyd Xilli roobaadkii la sugyay oo aan u di’in sidii larabay.
Dadka qaar ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Qoysas badan oo ku nool Tuulooyinkaasi oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeraley in ay biyaha u raadsadaan dhul aad uga fog halka ay deganyihiin oo masaafo dheer ah waxaana la ogyahay in qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan in uu Maro Wabiga Shabelle hase ahaatee wabiga laftiisa ayaa biyo yareeyay.
Arrintan Biyo la’aanta ah ayaa waxaa ay dhibaatada ugu weyn ka soo gaartay dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasoo baadi goob xoogan ugu jiray biyo ay cabaan iyo kuwo ay xoolaha siistaan waxaana qaar ka mid ah Dadkaasi ay warbaahinta u sheegeen in ay xoolo badan ku beeleen.
Xaaladahaan is kulansaday ay saldhig u yihiin abaaraha daba dhaareeday ee ka jira deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasi oo mudo sanado ah aan Roobabkii la rabay ka da’in iyadoona sidoo kale aysan jirin wax gurmad ah oo ay heleen Dadkaasi dhibaateysan.