Maxamed Xasan Xaad: " Itoobiya raashin ma qaybiyaan laakiin madaafiic ayey shacabka u qaybiyan ee yaan lagu kadsoomin".

Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamey hadalkii shaley ka soo yeerey qaar kamid ah mas'uuliinta mamulka gobolka Banaadir ee ahaa in ciidamada Itoobiya lacag ay ka jareen mishaarkooda ay raashin ugu qaybsheen qaar kamid ah dadkii Muqdisho ku barakacey.

Nabaddoon Xaad ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga baaqay ineysan ku qaldamin raashin sida la sheegay Sumeysan oo Ciidamada itoobiya  ay shalay ka qeybiyeen Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir,

" Ciidamada Itoobiya ma qaybiyaan raashin laakiin  waxey qeybiyaan madaafiic iyo BM, waxeyna xasuuqaan marna afduubaan shacabka maatada ah ee waxba galabsan,mudadii ay ku sugnayn  magaalada Muqdisho, waxey afduubteen dhowr kun oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood ay weli gacantooda ku jira, waxeyna ku gorgortamaan in madax furasho laga siiyo" ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Wuxuuna nabaddoonka shacabka Muqdisho ugu digey  ineenan ku kadsoomin  marinhabaabinta ay wadaan kuwa gumeysiga u shaqeeya iyo weliba danaha gumeysiga dalkooda ku soo duuley, wuxuuna shacabka ugu baaqey in ay Ilaah talada saartaan oo caloosha xirtaan.

Xaad ayaa sidoo kale rajo xumo ka muujiyey shirka ka socda Jabuuti "Ma qabo in shirkaas wax ka soo bixi doonaan waayo, waxay ila tahay in aan is hor fadhiisan dadka dhab ahaan isku haayo Soomaaliya”ayuu yiri Xasan Xaad

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com