|
Weerar ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose oo keenay dhimashada saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin askarta DFIska horimaad ayaa maanta ka dhacay deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ee, kaasoo u dhexeeyey ciidamada DF iyo kooxo hubeysan ooka soo horjeeday sida dadka deegaankaasi, kaasoo ay ku dhinteen Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada Dowladda federaalka.Iska horimaadkan ayaaa ka damnbeeyey ka gadaal markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan DF oo ku sugnaa bar koontrool oo halkaaso ku taala waxaana tacshiiradii ay labada dhinac isweydaarsadeen ku dhintay labo ka mid ah ciidamadii ku sugnaa bartaasi koontrool ee ka midka ahaa kuwa DF Somalia iyo qof rayid ahaa oo goobta ka dhowaa.Xaalada deegaankaas ayaa imika degan, iyadoo ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan DF oo gurmnad ahaa kuwaasoo ka dhaqaaqay dhinaca degmada Wanle-weyn ee gobolkaasi Sh/hoose, iyadoo kooxdo weerarka soo qaadayna ay goobta ka baxsadeen.Xafiiska wararka xog-waran. Mudisho |