Saddex askari oo ku geeriyoodatay qarax maanta ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama oo lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan DF

 

Saddex ka mid ah cIidamada Df ayaa ku geeriyoday tiro kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii Qarax aad u xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka hotelka Ambasador oo ku yaala   wadada Maka Al Mukarama ee magaaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay wateen ciidamada Dowladda federaalka.

Qaraxan oo ahaa mid aad xooggan ayaa loo adeegsaday miinada dhulka la geliyo ee meelaha fog laga hago, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii qaraxaasi lala beegsaday oo la arkayey isagoo madoobaaday oo qaac iyo uuro fara badani ay ka baxeyaan, waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas fara badan oo ay fureen ciidamo ka tirsan DF oo halkaasi joogay, taasoo keentay in laga kala cararo goobtaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney indhaha ka ka qaadeen dhimasho iyo dhaawacyo fara badan oo soo gaaray ciidamadii DF ee saarnaa gaarigaasi oo qaarkood ay si aad u cuslaayeen, waxaana goobta yimid ciidamo ka tirsan DF oo gurmad ah, kuwaasoo isku gedaamay goobtii uu qaraxu ka dhacay isla markaana ka qaaday dhaawacyadii iyo gaarigo qarax lala beegsaday.

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho