Ciidamada Itoobiya oo saaka waaberigii isku fidiyay Xaafadaha Towfiiq iyo Juungal iyagoo sidoo kalena isku gadaamay Masjidka Al Raxma

 

Ciidamada dalka Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waaberigii ku dheelmaday Xaafadaha Towfiiq iyo Juungal ee Degmada Yaaqshiid, iyagoo halkaasina ka qabqabtay dad rayid ah oo uu ku jiro wadaad Tabliiq ah iyo labo Wiil oo dhalinyaro ah.

Lama oga sababta ay ka dambeyso in ciidamadaas ay saaka isku ballaariyaan xaafadahaas oo ka wada tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaase muuqda in ciidamadan qorshe ku socdaan.

Wariye madax bannaan oo ku sugan Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa uu sheegaya in la arkayay Ciidamada oo isku gadaamiyay Masjidka Al Raxma ee Degmada Yaaqshiid.

Arrintaas ayaa waxay dhalisay shaki badan, dad badan ayaa waxay sheegayan in ujeedada ay Ciidamada u tageen inay tahay iyagoo farta loogu soo taagay Masjidkaas ama dad Sirdoon u ah ay u soo tilmaameen Masjidkaas.

Laakiin dad kale ayaa waxay aaminsan yihiin in hadafka Itoobiyanka uu yahay in ay qabtaan qofkii ka muuqata Sunida Islaamka Howlgalkan ilaa iyo hadda lama kulmin wax iska cabin ah oo uga yimid kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com