Wax ka qabashada Nabad la’aanta, Gaajada, Gumaadka, Cudurada , & Biyo La’anta ka Taagan Soomaaliya oo beesha caalamku ka gaabisay

 

Hay'adaha Samafalka ee Dunida ayaa waxay Walaac aad u weyni ka muujinayaan Dalka Soomaaliya oo ay ku sii kordhayaan waayahaan dambe Gaajada, Gumaadka,Cudurada iyo Biyo la'aanta waxaanna ugu wacani Dagaallada Sokeeye ee sii daba dheeraanaya oo aan weli Xal loo helin ,ugu yaraan Carruur gaaraysa 500.000 ayaa ku geeriyooday ama in ka badan tan iyo intii ay soconayeen Dagaalladani Cusub ee imminka ka socda Dalka kuwaas oo intooda badani u dhintay gaajo ama Xasuuq ay u geysteen Ciidamada Gumeystaha .

Dhammaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka jira Biyo la'aan aad u darran oo Dadkii iyo Xoolihiiba ay ku sugan yihiin Xaallad aad iyo aad u murugsan, Dad fara badani oo u badan Carruur iyo Dadka da'da ahi ayaa looga soo deyrinaayaa inay ku sugan yihiin Xaalad aad u liidata Biyo la'aanta jirta darteed , Xoolihii waxay u dhammaanayaan Biyo la'aan oo ay weheliso Abaar aad u dheeraatay , Cabsida laga qabo in ay biyo la'aantani ku baahdo dalka oo dhan ayaa waxay tahay mid iminka muuqato tasoo keeni karta dhimasho aad u tiro badan. 

Dad ku dhawaad gaaraya 1 Malyan oo dad ayaa ka barakacey dagaaladii ka dhacey magaalada Muqdisho tan iyo intii ay soo galeen ciidamada Itoobiya, dadkasoo intii badnayd weli aan helin wax gar gaar bani'aadanimo ah, dadkan ayaa u badan dumar, caruur iyo waayeel aad u tabar daran.

Baaritaano ay sameeyeen Hay'adaha Cuntada ee Adduunka ayaa waxay soo saareen in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay xadi raashin aad u fara badan oo ka badan kii la bixiyey 1991-kii , sababtuna ay tahay barakaca ku dhacay dadkii degenaa Koonfurta dalka oo ah Goobihii wax soo saarka ee Dalka ,sida labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle oo maanta noqday goob dagaal oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Gumeystaha iyo Xaq u dirirka Soomaaliyeed ee diidan joogitaanka Ciidamada Maxaysatada ah ee Itoobiya .

Haddaba, Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ah Culumaa'udiinka ,waxaannu ka Codsanaynaa inay Dadka ku nool Qurbaha ugu wacyi geliyaan inay walaalahooda ku sugan Dalka Soomaaliya iyo Xeryaha Qaxootiyada ugu tabarucaan sidii ay uga gacan geysan lahaayeen Abaaraha ku habsaday dadkii iyo duunyadiiba una gudan lahaayeen waajibaadka qof waliba kaga aadan ee u gargaaridda Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Gaajada, Gumaadka ,Cudurada,iyo Biyo la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya , waxaannu ugu bixi karnaa inaannu rabi u soo noqono waa imtixaan uu alle inagu imtixaanayo ,waana in Xarrrigga Alle wada qabsanaa kuna Midownaa

Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayaa looga bixi karaa Dhibaatooyinka maanta haysta Shacabkeenna rajada iyo Guushuna way dhowdahay oo wax yar ayaaba  ka harsan . 

Waxaana markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanaynaa gaar ahaan kuwa dibada ku nool in si deg deg ah kaalmo ugu soo diraan dadka walaalahooda ah ee Itoobiyaanka guryahooda ka saarey kuwasoo maanta ku dhibaateysan agagaarka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada koonfureed.

 

Xafiiska xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com