Wasiirka gaashaandhiga Burundi oo Muqdisho ka duulay saddex cisho ka dib, shir jaraa’id  qabtay kuna sheegey.....

 

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Burundi  ayaa socdaal qarsoodi ah oo qaatay muddo saddex cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Somalia.

Ka hor inta uusan ka duulin maanta garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu halkaasi ku qabtay Shir jaraa’id wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay iney tahay mid taariikhi ah, wuxuuna xusay oo kale sida uu ugu   farxay howsha ciidamada ay ka hayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadalkiisa oo sii wata ayaa sheegay iney in ciidamada Burundi ee ka mid ah kuwa AMISOM ay Soomaaliya u joogaan sidii ay taageeri lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna cambareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ciidamada Burundi lagu qaaday dhowaan kaasoo uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada dalkaasi, “waxaa nasiib daro ah in dad wax magarato ahi ay waxyeeleeyaan ciidamo u yimid dalka iney gargaaraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan” ayuu sidoo kale yiri wasiirka oo garoonka dayuuradaha ay ku sii sagootiyeeen xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada AMISOM wasiirada Dowladda federaalka.

 

Xafiiska wararka xog-waran. Mudisho