Labo ka mid ah askarta Itoobiya oo ka mid noqday saddex ruux oo ku dhimatay Qarax iyo rasaas ka dhacday isgoyska Towfiiq

 

Barqanimadii maanta ayaa Qarax aad u xooggan waxaa uu gilgilay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaasi marayey.

Labo askari oo mid ah ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, kuwaasoo la arkay iyagoo dhulka yaala oo meyd ah, waxaana qaraxa ka dib waxey ciidamada Itoobiyaanka ay fureen rasaas aad u fara badan oo keentay dhimashada hal qof oo rayid ah dhaawaca qof kalke.

Qaraxan oo  ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa  yimid ka gadaal markii ay isgoyska Towfiiq soo mareen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca garoonka kubada cagta ee Istaadiyo Muqdisho, kuwaasoo iyagoo lugeynaya daadihinayey quraac gaari gacano lagu waday oo ay doonayeen iney gaarsiiyaan ciidamo kale oo itoobiyaan ah oo degenaa agagaarka isbitaalka Carafaat.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ayaa soo buuxiyey isgoyska kuwaasoo muddo kooban halkaasi ku sugnaa, iyagoo halkaasina ka qaaday meydka askartii kaga dhimatay qaraxa  oo ahaa mid aad xooggan oo daryankiisa laga maqlayey meelo aad u fara badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee xiligan naga soo gaaraya deegaankaasina ay sheegaan in haatan xaaladda ay caadi ku soo laabatay ka dib markii ay halkaasi isaga tageen ciidamada Itoobiya. 

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com