Kenya oo hey’adda UNHCR ku amartay iney joojiso qaabilaada ay qaxootiga ka soo barakacay Soomaaliya ah ugu sameyneyso xadka labada dal
War ka soo baxay xafiiska hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Q/Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ay ku leedahay magaalada Nairobi e dalka Kenya ayaa lagu sheegay in hey’adaasi ay joojisay gebi ahaanba howlihii ay xadka dalkaasi ugu soo dhoweyneysay qaxootiga ka soo barakacay Soomaaliya, ka dib markii sida ay sheegtay heyaddu uu culeys arintaasi ku aadan kaga yimid xukuumada dalka Kenya.
Hey’adda ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya illaa 300 oo qof oo oo soomaali ah ay maalin walba soo gaari jireen xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kuwaasoo ay sheegtay iney iskugu jiraan caruur iyo haween ay hey’addu u fidin jirtay gargaar caafimaad iyo mid nololeed oo halkaasi lagu dejinayo dadkaasi, taasoo ay sheegay iney haatan meeshan ka baxeen, waxayna intaa ku dartay UNHCR in iney ka walaacsan tahay dadka faraha bada ee ka laabanaya xadka iyagoo aan helin gargaarkii ay u baahnayeen.
“Hadda waxaa cadaadis xoogan uu nooga yimid xukuumada Kenya taasoo sheegay inaan joojino dhamaan howlihii gargaar ee aanu ka wadnay xadka ay la wadagaaan Soomaaliya waxayna arintaasi ku macneeyeen sababo la xiriira dhinaca amaanka iyo iyagoo sheegay iney ka baqayaan iney dadkaasi ku soo dhex dhuuntaan kooxo xiriir la leh argagaxisada caaalamiga ah” ayaa xafiiska UNHCR ee magaalada Nairobo warkeeda ku soo xirtey waxaana ku saxiixnaa madaxa xafiiskaasi ee dalka Soomaaliya.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa waxey si xoog ah isaga kaashanayaan sidii loo burburin lahaa loona dhibaateyn lahaa shacabka Soomaalida gaar ahaan kuwooda maatada ah oo maalin walba ka soo carara xasuuqa arxan darada ay ciidamada Itoobiya ku hayaan.