Nin hubeysan oo xalay Kismaayo ku diley Laba ruux oo ka mid ahaa dad ku shaahayey goob Biibito ah

 

Nin hubeysan ayaa xaley magaalada Kismaayo ku diley 2 ruux oo kamid ahaa dad ku shaahaynayey goob Biibito ah. Dadka goobta joogey ayaa waxaa ay sheegen in ninka falka geestey uu gabi ahaan dadkii halkaa fadhiyey uu sasaas qabad siiyey.

Ninkaan falka geystey ayaa waxaa uu doonayey in uu dilo nin asaga la dhashey oo markaana kamid ahaa dadka goobta fadhiyey asagoo la beegsadey rasaas aad u farabadan halkaa oo u ku geeriyoodey nin kii uu doonayey iyo nin kale oo ag fadhiyey

Falkan ayaa waxa uu Ka dhacey meesha loo yaqaan aargada oo inta badan habeenkii dadku isugu yimaado ilaa hada falkaa dilka ah ayana lagaraney wax ka dhexeeyey nin ka dhintey iyo kan diley oo iyagu walaalo ahaa,

Ninka  kale oo isaguna rasaasta ku dhintey uu ahaa dadkii halkaa ku sugnaa oo ka qaxweynayey labadaa nin ayaa waxaa loola cararey isabitaalka ayagoo antii la siiwadey ay dhinteen, majirto cid soo qabatey ninkii falkaas geestey.

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com