Madaxweynaha dalka Eritreya oo ku eedeyeysay Q/Midoobay iney majaxaabineyso dagaalka looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya

 

Madaxweynaha dowladda Eritreya Isias Afawerki ayaa sheegay in shirka QM ugu qabatay dalka Jabuuti dhinacyada Soomalida uu yahay oo kaliya mid ujeedada laga leeyahay ay tahay iney ku kala jebiso isbaheysiga dib u xoreynta ee la dagaalamaaya ciidamada Itoobiya ee qabsaday Somalia.

Intii ay Soomaaliya dhibaatada ka jirtay ee qabqableyaashii dagaalka ay ka talinayeen dalka Beesha caalamku wax gurmad ah uma fidin oo indhaha ayey ka eegeneysay hase ahaatee markii shacabku ay sameeyeen horumar dhinaca amaanka iyo maamulka ah waxay bilowday iney carqaleyso si meesha looga saaro xasilooni ay helaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri  madaxweynaha Dowladda Eritreya Isias Afawerkh

“Waxa ka socda Jabuuti waa shirqool Q/Midoobay ugu talo gashay iney kala qeybiso isbaheysiga dib u xoreynta oo la’og yahay inuu guulo waaweyn ka soo hoyey dagaalka uu kula jiro ciidamada Itoobiya ee dalka qabsaday iyagoo taageero ka helaya shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Isias Afawerki oo sheegay in QM midoobay tahay mid u janjeerto dhinaca xasuuqa ka socda Soomaaliya” ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha, isagoo dhinaca kale ku eedeeyey Dowladd maraykanka iney ku fashilntay siyaasadeeda ku wajahan arimaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com