Labo ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay rasaas ay askar ka tirsan ciidamada DF ku fureen gaari marayey Ex-koontrool Afgooye.
Ciidamado ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta rasaas ooda kaga qaaday gaari nooca xarakada ah oo marayey agagaarka Ex-koontrool Afgooye, waxaana rasaastaasi ku naf waayey Hal ruux halka mid kalena uu ku dhaawacmay
Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen dhimashada iyo dhaawaca labada ruux ee rayidka ah ayaa ka dambeysay ka dib markii labo ka mid ah ciidamada DF oo ku lugeynayey wadada dhinaceeda ay joojiyeen gaarigan oo ay saarnaayeen ilaa saddex nin oo rayid ah, iyagoo ka dibna rasaas ku furay gaariga, taasoo keentay geerida hal ruux oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Xuseen, iyo dhaawaca qof kale oo ka mid ahaa dadki saarnaa gaarigaasi
Ma cadda illaa hadda sababta keentay in ciidamada DF ay rasaas ku furaan gaarigaasi. Mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamada DF ay falal noocan oo kale ah ku kacaan, falalkanoocan oo kala ah oo ciidamada DF ku kacaan ayaa caado ka noqotey magaalada Muqdisho waxaana ugu wacan askarta dowlada oo badankoodu yihiin maleeshiyaad aan laheyn tababar iyo asluub ciidan.