Dood: Shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waa dood suugaaneed gaaban oo lagu ifinayo su’aalaha shacabka Soomaaliyeed u qabaan Shabaabka iyo su’aalahaa jawaabahooda oo looga heli karo dhaqanka shabaabka ay la soo ifbaxeen mudadii magacooda ka jiray gayiga Soomaaliyeed.

 

Shacabka: Shabaaboow maxaad doonaysaan?

Shabaab: Waxaanu doonaynaa inaan ka carasyiino shacabka Soomaaliyeed si aanu u raali galino Ilaah SW, inaanu kutumano xuquuqdiina aad u leedahiin nolosha iyo nabadda si aanu u ilaalino xaquuqda Ilaah SW inagu leeyahay, inaanu idin badno dulli iyo darxumo si aanu sare ugu qaadno magaca Ilaah, inaan caqabad ku noqono dawlad Soomaaliyeed oo ka taaganta gayiga Soomaaliyeed si aanu u gaarno khilaafo Islaam, oo ay labada bilyan oo muslimiinta ah hoos hadhsadaan, inaanu kuu diidno nidaam, kala danbayn, nabad, nolol ka hirgasho Soomaaliya sababtoo ah waxay turuturo ku yahiin qorshahayaga aanu ku raali galinayno ilaah, inaanu kugu dilno si toos ah iyo siyaabo siloon labaduba si aanu u nooleyno diinta Ilaah, inaanu aduunka kula colaysiino, oo  lagaasoo galo badda, dhulka iyo in cirku kaaga yimaado ibliis har iyo habeen dhalada kaa saran (P52 Dayaaradaha dagalka maraykanka).

Shacabka: Ma jirto miyaa si kale oo aad Ilaah ku raalli galin karto oo aanan ka ahayn waxyaabaha aad kor ku soo xustay?

Shabaab: Maya, lagama yaabo, labo laysku helayana maha in Ilaah la raalli galiyo aduuna si qurux badan aad ugu noolaataan, sidoo kale maha labo is qabanayso in aduun iyo aakhiro labaduba aad wada doontaan, ee waa inaad midun u go’daan.

Shacabka: Gartay; waxaanu idinku aragnay fahan Islaam oo aan horay aduunka loogu arag, laga soo bilaabo xilligii nabi Muxamad SCW, miyaanan la odhan karin in Islaamka aad wadaan ka duwan yahay kii nabi muxamad ugu bishaareeyay dunida?

Shabaab: masha Allaah; maya, anaga sidaad ogtahayba fahanka diinta ee aanu ku abtirsano waxuu kasoo daahiray “Astagfurullaah” kasoo ifbaxay  buurta barakaysan ee tuura-buura ee ku taal carriga Afgaanistaan, waxaa intaa inoo sii dheer, inaanu nahay dhalin yaro fudfudud, maahmaahdii soomaaliyeedna waatii ahayd- Astagfuru-llaah, inkasta oo fahankayaga cusub uusan ogolyn in lagu hadlo luqadda Soomaaliga illaa xaaladu daruuri ah mooyee- maahmaahdii watii ahayd “Nin dhalin ah intii uu geed ka booduu talo ka boodaa”  hadana waxaanu u sheegaynaa shacabka Soomaaliyeed inay ogaadaan in ururkayaga yahay mid caalami ah oo ay ku wada jiraan midabo, jinsiyado kala duwan, dhalinyaraduna yahiin kuwa Ansaarta ah (Soomaalida) ee aysan ahayn (Muhaajiriinta) kuwa ajaanibta ah ee wadamadoodii laga soo tarxiilay.

Shacabka: Maalin dhawayd ayay ahayd markii aad faagateen qabuurahii culimadii Soomaaliyeed ee maamuuska ku lahaa gayiga Soomaaliyeed, kana dhaariyay gumaystaha ka hor intaanu adinka dhalan inuu cag soo dhigo carriga Soomaaliyeed; tusaale waxaa inoogu filan qabrigii Sheekh Saqaawu-diin oo aad la baxdeen lafahiisii waxii uu aboorka ka tagay, maxaad ku fasiraysaa, falalka noocaan oo kale ah?

Shabaab: Alxamdu Lilaah; mar haddii nalagu haaysto inaan raacnay Quraanka iyo Sunnaha, waligood ayaa laga horimaan jiray dadka  noqdo Salafu-saalixiinta, ogosoonowna inaanu sii wadi doono lafo barista aanu ka wadno gayiga Soomaaliyeed, si aanu dabar goyno taariikhda iyo sooyaalka shacaku leeyahay, iyo sidoo kale in lawaayo qabri dad maamuus leh  ku aasan yahiin oo laga dugsan karo bidco iyo cilmaaninimo, sida Sheekha aad sheegtay Sheekh Sakha-udiin, oo u dagaalamay wadaninimo iyo Soomaalinimo. Inagu waan ka soo horjeednaa Wadaninimada iyo Soomaalinimada, waxaanu doonaynaa Islaanimo aanan la taraxin.

Shacabka: Culimada soomaaliyeed  waxay dhaliishan yahiin Islaanimadiina iyo guud ahaanba qorshahiina, waxayna u arkaan mid aanan ku taagnayn hanuun Ilaah iyo garaad caafimaad qaba, waxayna ku doodaan: Nin diidan inuu walaalkii badbaadiyo, oo uusan gawracin siduu u sheegan karaa inuu raalli galinayo Ilaah?

Shabaab: Sidii aan horay kuu sheegayba; inagu waxaanu dhagaysanaa culamada ku dhuumanaysa buurta barakaysan ee Tuura-buura, mana aaminsanin in nin af-soomaali ku hadlo aanu wax ka dhagaysano, waxaana ka dheehan kartaa dhaqankayaga inaanu ku talo jirno inaanu tirtirno wax walba oo Soomaalida astaan u noqon kara. Calankii waanu badalnay oo mid madoow ayaanu taaganaa, magacyadii waad la socotaayoo Abu-mansuur, Abu-zaynab, Abu-xantul ayaanu la baxnay, xuduud ma aaminsanin oo Alaska iyo Saybeeriya ayaanu u soconaa in kasta oo aanu tolanin dharkii qaboowga inaga celin lahaa, maxaa yeelay (akh) waalaal Alaska ka yimid ayaa inala jooga, oo inoo sheegay qaboowga meesha ka jiro, inuu yahay kii Zamhariira oo kale.

Shacabka: Waxaanu aragnay in ninkiiba leeyahay magacyo badan, oo tuulo cusub haddii uu tago uu magac cusub la baxayo iyo inaad wajiga duubataan ood qarsataan. Maxaa u sabab ah ayaa la odhan karaa falkan isaga ah?

Shabaab: Sababta aan magacyo badan ula baxno waxay tahay inagu waxaan nahay boqolaal iska faquuqday mujtamacii ay ku dhexnoolaayeen, waxaana looga golleeyahay in dadku inoo maleeyaan inaanu badanahay, oo sidaana cadawga inooga cabsado. Tan waji duubashada; sababtu waxay tahay inagu kuma kalsoonin waxa aanu sameeynayno inay yahiin waxa sharcigu waa faqsan, inkasta oo ay sidaa inala tahay, sidaa darteed haddii uu xaalku dhabqo, waxaanu dib ugu laabanaynaa shacabka inaga oo aanan nala garanayn. Haddii ay inoo hagaagtana waxaa soomaaliya ka talin doona Madaxweyne –sida sharcigayaga uu qabo madax daboolan, oo aadan garan doonin inuu walaalkaa yahay iyo inuu reerka cadawgaaga ah yahay.

Shacabka: Dagaalkii Guriceel, waxaanu war ku helnay inaad qaabka dagaalka aad u gasheen aad uga dayateen Maraykanka xilligii uu weeraray Faluuja, oo aad dadkii magaalada oo jiijiifa aad ku asqayseen hoobiyayaal iyo baasuukayaal, ka hor waqti yar inta aysan salaadda subax galin. Maxaad ka leedahay arintaan?

Shabaab: Xeeladaha dagaalka waa lakala bartaa, oo maraykanka inagu waan qirsanahay inuu aduunka ugu sareeyo xeelad dagaal, laakiin labadayaduba waxaanu ka simanahay dabargooynta shucuubta nolol raadiska ah. Tan aad sheegtay  ee ah inaan weerarka qaadnay  ka hor waqti yar xilliga salaadda, waa runtaa, sababtoo ah inaga nooma kala duwana iyaga iyo gaalada, mar haddii ay diidaan xaqqa aanu wadno, oo waxaa nahay “RAG RABBI RAALLI KA YAHAY”.

Shacabka: Madaxweynaha cusub Sheekh Shariif Sh Axmad, miyaad taageeraysaan?

Shabaab: Maya, Sabtoo ah Sh Shariif waxuu aaminsan yahay waxwalba oo ka soo horjeedo fahanka shabaabka ee diinta, sida:
Waxuu rabaa in shacabka Soomaaliyeed nabad helo, inagu waxaan doonaynaa in shacabka Soomaaliyeed sidaan ku jiro, uuna sii naco nolosha oo dhan, ugu danbayna wada noqdaan kuwo diyaar u ah is midaamin.
Waxuu rabaa inuu noolaado inaguna waxaanu doonaynaa inaan dhimano.
Waxuu rabaa in aduunka wax lala qabsado, waxaanu doonaynaa in aduunka lala dagaalamo.Waxuu aaminsanyahay Soomaalinimo, waxaanu doonaynaa Islaamnimo. Sidaa darteed xalku waxuu ku jiraa in is reereeb cusub bilawdo, midkii guulaystana uu reerka u haro.

 



WQ: Abwaan Caabi Shaafici (Wadani)
    wadani33@live.co.uk