Ururka Ahlu Sunna waljameeca oo sheegtay in laga been sheegay dagaalkii ka dhacay degmada Wabxo ee gobolka G/gaduud
Afhayeenka u hadlay dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Ahlu Sunna Wal-jameeca Sheekh C/risaaq Maxamed (Al-ashcari) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in warar aan jirin oo been ah laga baahiyay dagaalladii dhowaan ay deegaanka Wabxo kula galeen xoogagga Iskaashanaya ee Al-shabaab iyo Ahlu Sunna wal-jameeca.
“Waxaa caado u noqotay in kooxaha khawaarijta ay waxay doonaan iska sheegaan taas iyada ah shacabka Soomaaliyeed waa fahmeen, been iyo khiyaamo waa ka soo daaleen umana baahna, dambiilayaasha caalamiga iyo hogaamiyaasha khawarjita waxay guulo ka sheeganayaan dagaalkii ka dhacay Wabxo, taasina waa been buur” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Al-ashcari oo tusaale u soo qaatay maah-maah oranaysa “Neef dhimanaya wargafasho lagama waayo).
Afhayeenkaasi u hadlay dhaq-dhaqaaqa ahlu Suna Wal-jameeca waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Wabxo marka xaqiiqda laga hadlo ay darsi lama iloobaan ah siiyaan xoogagii isbahaystay isla markaana ay kaga dileen in ka badan 150 qofood, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah saraakiishii horkacaysay dagaalladaasi isla markaana ay xukunka Ilaahay ku fuliyeen.
Wuxuu ugu dambeyntii sheegay afhayeenkaasi u hadlay dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna inay sii wadayan dagaallada ay kala soo horjeedaan xoogag uu ku tilmaamay inay yihin dambiilayaal caalami ah iyo khawaarij isbahaystay, waa sida uu hadalka u dhigaye, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka dambeeyaan dilalka loo gaysanayo saraakiisha ciidamada, dhakhaatiirta, waxgaradka, saxaafadda iyo dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed.