Hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo sheegtay inay ka fiirsanayso inay dib u hawl geliso xafiiskeedii magaalada Muqdisho ay ku lahaan jirtay
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa waxay sheegtay inay ka fiirsanayso inay dib u hawl geliso xafiiskeeda magaalada Muqdisho oo horay u xirtay sababo dhinaca ammaanka ah xilli ay xaaladda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay tahay mid aad u cakiran isla markaana ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya dawladda federalka iyo xoogagga iskaashanaya ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.
Afhayeenka u hadlay hay’addaasi oo lagu magacaabo Guuleed ayaa waxa uu sheegay in dib u furidda xafiiska WFP ee magaalada Muqdisho ay ku xiran tahay madaxda hay’addaasi, taasina waxay u baahan tahay in marka hore la qiimeeyo xaaladda nabad gelyo ee magaalada, kaddibna ay kulan isugu yimaadaan madaxda hay’adda si go’aan looga gaaro, wuxuuse rajo xumo ka muujiyay dagaallada ka soconaya Muqdisho.
“Hay’addan waa mid samafal ah oo barnaamijyo cunno qaybin iyo quudin ah haatan ka waddan inta badan gobollada dalka Soomaaliya, waxayna wax la qabtaa hay’adaha kale ee samafal ee ka hawl gala dalka Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho iyo gobollada kale noo jooga wakiillo, xafiisyo ahaana u furan, laakiin waa arrin culeyskeeda leh in madaxda sar-sare ee hay’adda ay yimaadaan magaalada Muqdisho sababo dhinaca ammaanka ah” ayuu yiri afhayeenkaasi u hadlay Hay’adda WFP.