Isbahaysiga NATO oo isku afgartay inay waqti hor leh lagu kor dhiyo hawlgalada maraakiibtooda dagaalka ay ka wadaan xeebaha Somalia

 

 

Wasiirada difaaca dalalka ku bahoobay isbahaysiga NATO ayaa kulan ay yeesheen waxay isku afgarteen in la kordhiyo waqtiga uu soconayo halgalka lagula dagaalamayo kooxo ay ku sheegeen burcad badeed oo ay ka sameynayan xeebaha dalka Soomaaliya iyo in la ballaariyo hawl galkaasi oo lagu soo biiriyo dalal hor leh oo ka tirsan kuwa reer galbeedka kuwaasoo maraakiib dagaal iyo ciidamo u soo diraya xeebaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Isbahaysiga NATO oo la hadlayay wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa sheegay in wasiirada difaaca dalalka isbahaysiga NATO kulankooda ay ku lafo gureen sida ugu macquulsan ee xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan looga cirib tiri karo kooxaha afduubayaasha maraakiibta, isla markaan ay isku raaceen in waqti lagu daro hawl galkii ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya oo ku eg 28-ka bisha June 2009.

Xoghayaha Isbahaysiga NATO wuxuu sheegay in in hawl galka cusub uu bilaabanayo uu bilaabanayo horaanta Bisha July ee soo socota, isla markaana uu soconayo tan iyo laga suulinayo kooxaha afduubayaasha marakiibta xeebaha Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dalal hore oo ay ka mid yihiin Britain, gariigga, Turkiga iyo Maraykanka ay ku soo biiraan hawl gallada ka dhanka falalka afduubka maraakiibta biyaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho

xog-waran@hotmail.com