|
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Balanbale ee gobolka GalgaduudCiidamada Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ah ayaa dhaq dhaqaaq xoogan ka wada maalintii labaad magaalada Balanbale ee gobolkaasi Galgaduud, iyadoo walaaca ay qaadeen arrintaas dadka ku dhaqan magaaladaasi.Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya oo wata tiro gawaarida dagaalka ah ay soo gaareen maalintii shalay Degmada Balanbale oo ku taala dhinaca waqooyi ee Gobalka Galgaduud waxayna durbaba saldhigyo ka sameysteen qaybo ka mid ah magaaladaasi.Ma cadda sababaha keenay in ciidamada Itoobiya ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya oo ay ka baxeen horaantii sanadkaan ka dib markii ay muddo labo sano ah ay ku qabsadeen dagaalo xoogan.Si kastaba ha'ahaatee faragalinta dowlada Itoobiya ku haysa arimaha Soomaaliya ayaa qayb weyn ku leh xasilooni darida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya iyo hanjabaadyada xoogaga Al Shabaab ee mar walba ku sheegayaan in dagaalkoodu uusan ku koobnen Soomaaliya oo keliya balse doonayaan in mabda'ooda diineed ku fidiyaan caalamka oo idil iyaga oo islamarkaana aqoonsaneen in ay jiraan wax xuduud ah in uu caalamka ka jiro.xog-waran13/06/2009 |