Q/Midoobay oo sheegtay in ay hoos u dhacday khatarta ay kooxaha burcad badeeda  ku hayeen maraakiibta mareysa xeebaha Somalia

 

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay ka soo saartay magaalada New York waxay ku sheegtay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay hoos u dhacday khatarta ay kooxaha afduubayaasha maraakiibta xeebaha Soomaaliya ku hayeen maraakiibta isticmaalaysa Xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan.

Warbixinta Qaramada Midoobay ay uga hadashay xeebaha dalka Soomaaliay iyo biyaha ka baxsan ayaa waxaa lagu sheegay in sababaha hoos u dhigay khatarta ay afduubayaasha ku hayeen maraakiibta isticmaalaysa xeebaha Soomaaliya ay ka dambeysay kaddib markii hawl gallo ballaaran oo ka dhan kooxaha afduubayaasha ay fuliyeen maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in hawl galladaasi ballaaran lagu soo qab-qabtay in ka badan 100 ka tirsan kooxaha afduubayaasha maraakiibta kuwaasoo badankooda lagu hayo xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halka qaar kalena ay weli gacanta ugu jiraan dawladaha iska leh maraakiibta dagaal ee hawl gallada ka wada xeebaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ay ku sheegtay inay yaraatay khatarta ay kooxaha afduubayaasha ku hayeen maraakiiba isticmaasha xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan ayaa waxay imaanaysaa xilli ay madaxda dawladda federalka Soomaaliya sheegeen inaanay waxba qaban karin maraakiibta dagaal ee ku soo qulqulaya xeebaha Soomaaliya haddii aan la abaabulan oo aan la dhisin ciidamadii qaranka Soomaaliya.

 

Ku noqo bogga hore